Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Ka Hal Celiyey Qaabka Xildhibaan Dhakool Uga Hadlay Xuska 18-ka May

0
Friday May 10, 2019 - 01:32:22 in News by
  • Visits: 9086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Ka Hal Celiyey Qaabka Xildhibaan Dhakool Uga Hadlay Xuska 18-ka May

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Ka Hal Celiyey Qaabka Xildhibaan Dhakool Uga Hadlay Xuska 18-ka May

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Ka Hal Celiyey Qaabka Xildhibaan Dhakool Uga Hadlay Xuska 18-ka May


Hargeysa(HWN):-Wasiirka horumarinta biyaha somaliand Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa jawaab kulul ka bixiyey qaabkii xildhibaan dhakool uga hadlay xuska 180ka May.

Image result for saleebaan cali koore


Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa qoraal uu baahiyey waxa uu kaga waramay muhiimada xuska 18-ka May isaga oo ganafka ku dhuftay qaabka uu xildhibaan Dhakool uga hadlay.


Wasiir Koore ayaa tilmaamay inaanu garanayn sababaha keenay in wakhtigan uu xildhibaan Dhakool ka horyimaado xuska 18-ka May isaga oo ka qayb galayey 28 sanadood ee ay somaliland jirtayba.


Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa qoraalkiisa ku yidhi ""Somaliland 28,sano ay jirtayba waa la xusayey maalinta Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland. Qofka maanta diidayaa horta halkuu ku maqanaa 28,sano ee la xusayey? Miyaanu qaranka joogin? Miyaanu nala xusi jirin hadii la baadho? Waa maxay danta imika halkaa ka gashay?


Somaliland imika may dhalan, lamana aasaasin hada ee Qaran soo jiray inaatba oo la Xusayey, loo dabaal dagayey. Maaha in qof dano gaara lahi uu ku soo hal qabsado 18,May.


Qof kastaaba sharciga iyo Dastuurka ayuu wax ku yahay; qofkii sharciga ilaalin waayaa isgagga jabiyey shuruucdii dalka, Xeer kast oo aad jabisaa wuxuu leeyahy sharci qof ka la mariyo. Dhamaanteen qaranka aynu wax ku nahay qof walabaaba isaggu wax ku yahy"



Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...