Fariin Ku Socota Da'yarta Iyo Dhalinta Wax Baratay Ee Somaliland.

0
Monday May 24, 2021 - 10:41:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariin Ku Socota Da'yarta Iyo Dhalinta Wax Baratay Ee Somaliland.

    By Cumar Axmed Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By Cumar Axmed Cali

Waa fariin ku socota da'yarta iyo dhalinta wax baratay ee Somaliland, gaar ahaan intooda jecel dalkooda iyo dadkooduba in ay horumaraan.



Sida aynu la socono waxa maalmaha foodda inagu soo haya loo dareeri doonaa, doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada, haddii Alle idmo.


Doorashadaasiwaxay shacabka Somaliland uga dhigan tahay fursad iyo jaanis dahabi ah oo xili dahabi ah soo maraya. Oo haddii aynu si mug iyo miisaan leh uga faa'iidaysanoinnoo noqon karta iftiin iyo waa cusub oo u baryay Somaliland.


Haddii se aynu sideenii qabyaalad iyo reernimo wax ku doorano, golayaasha qarankana fadhiisino shaqsiyaad aan han iyo himilo toona xambaarsanay. Waxay taasi inna dhaxal siin doontaa, in aynu baaqi ku sii ahaano dowladnimo aan koraynin iyo saboolnimo joogto ah.


Waxyaalaha sababtà u ah, in ay shacabka Somaliland marar badan ku hungoobaan xubnaha ay soo doortaan ama ay xilka u dhiibtaan, waxa udub dhexaad u ah seddexdan arrimood;-


■ Waa midda koobaade: xisbiyadu musharaxa ay qaadanayaan ma eegaan kartidiisa, hufnaantiisa, aqoontiisa iyo hal abuurnimadiisa. Waxay se eegaan inta cod ee uu reerkiisa ku haysto, taa soo halbeeg u ah, xulashada iyo miisaanka ay xisbiyadu sameeyaan.


■ Waa midda labaade: waxa jira mukhalasiin u dhaxeeya xisbiyada iyo odayaasha hoose beelaha, ku waa soo si weyn ugu lug yeesha xubnaha la soo xulayo ama la magacaabayo. Waxay mukhalasiintaasi ujeedadooda ugu weyni tahay, danta shaqsiga iyo faro dufan leh ayaa wax duug duugi yaqaana.


■ Waa midda seddexaade: horjoogayaasha beelaha iyo bulshada inteeda badani waxay aaminsan yihiin in doorashooyinkuba yihiin tartan u dhexeeya beelaha ood-wadaagta ah. Kaa soo beeshii laga badiyaa ay ka dhaxli doonta waji-gabax iyo karaamo dhac bulsho.


Arrimahaasi waxay xudun u yihiin tabashooyinkabaahsan ee ay bulshadeennu kaga dareen celiso madaxda ay doortaan marka ay xilka qabtaan. Sidoo kale waxay arrimahaasi dhabaha ka leexiyaan hadafkii iyo nuxurkii loo aas aasay, nidaamka dimuqraadiga iyo doorashooyinka madaxa banaan.


Gun iyo gabo-gabo waxaan dhalinta wax baratay iyo jiilka soo koraya ku boorinayaa in ay gabi ahaanba iska diidaan in ay codkooda siiyaan shaqsi aan la hayn kiriteeriyadii (criteria) looga baahnaa masuul qaran oo xil loo cumaamadayo.


Waxaynu garwaaqsan nahay in aanay waligeed dhicin bulsho halbeeg ka dhigatay qabyaalad oo horumar ku gaadhay.


Si kasta oo uu xaalku hadda yahayba, waxay xaqiiqdu tahay in uu mustaqbalka Somaliland ku xidhan yahay da'yarta maanta hanaqaaday sida ay u fikiraan.


By Cumar Axmed Cali;

[email protected].

tel; 0634244802

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...