Damiirkaaga Adeec Oo Dantaada Ciqaab.

0
Monday May 24, 2021 - 10:36:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Damiirkaaga Adeec Oo Dantaada Ciqaab.

    Qalinkii Axmed Cali Kaahin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii Axmed Cali Kaahin.

Marka mawqifkaagu la qiimo noqdo 22 billion waa marka aad naftaada dhaafto nafaha kalana aad nafci u raadiso, Markaad mustaqbalka saadaalin kartaa waa marka aad nafta kale dhibaatada ku soo socota u aragto mid adiga kugu waajahan.


dhacdadan waxaa ka sheekeeyay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Dawlada Sucuudigaa hub ka dalbatay dalka Uk ama Ingiriiksa oo qiimihiisu gaadhayo 22 billion balse waxay ku xidheen shuruud ah in ay soo dhiibaan ninka mucaaradka ku ah Sucuudiga ee degan ingiriiska ee la yidhaahdo Macsarawi haddaad rabtaan 22 bilyan ninkaa soo dhiiba. haddii kale heshiis ma jiro.



Dawladii John Major ee xiligaasi wax bay isku dayday balse Garyaaanka Dawladaa diiday arrintaasi in gacanta loo galiyo" wuxuuna yidhi Haddii ninkaa Cigaal ka xidhan ninkaa lacag ku iibsado bari inagana lacag buu inagu iibsan doonaa"


Marka aad aamusto waa daqiiqada aad lumiso xaqaaga, Mandela halka Helber Hoover "uu yidhi xoriyadu waa daaqada waraabisa cadceedada dadnimada iyo awooda sharafta aadmiga”. Malcon X waxa laga qoray " qofkaan aan waxba u taagnayn waxba la’aan buu dhacaa.. Macsaraawi waxa madaxiisa waxaas oo lacaga loo dul dhigay in uu damiirkiisa u diiday in laga ganacsado sidaa daraadeed waa hal xidhaale u yaala qofkasta.


Qiimaha dal madax banana waxa yaqaana dadka bilaa dalka ah sida walaalaheena falastiin oo 70 sanadood dawlad la’aan iyo dhibaato laxaadleh ku socotay oo dunidu isku kaashatay balse waxa hubaala in awood kasta iyo maalkasta lagu muquunin waayay. Kuwii qabsadayna noqdeen uun saldhig ciidan oo kaliya in ay dal noqdaana ku adkaatay. Sidaa daraadeed Somaliland waa nimco u baahan in mahad naq lagu dhadho saacadkasta si ay inoogu sii wacnaato iyo nagaadsho.


Markaa xildhibaankii doonaya in uu damiirkiina ka ganacsado ha yeelina ee qof kastaw maankaaga adeee oo dantaada ciqaab. idamka allaaah Dad wanaagsan iyo dal barwaaqo ah iyo damiir culan oo calanka iyo ciida ilaaliya.


Qalinkii Axmed Cali Kaahin. [email protected]

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...