Kaalinta Somaliland Ee Loolanada Xulafooyinka Siyaasadeed Ee Geeskaafrica Ka Sameysmay
Xulafooyinka Siyaasadeed Ee Ka Samaysmay Gobolka Iyo Danaha Ay Dabada Ku Hayaan !!!
Waxa aad loo dareemayaa in ay xulafooyin ka sameysmeen gobolka
Geeska Africa kuwaasi oo dano siyaasadeed dabada ku haya , waxaana ay
soo bilaabeen ilaa xiligii heshiiska sadex geesoodka ah kala saxeexdeen
wadamada Ethiopia , Somalia , Erateria heshiiskaasi oo aan nuxur ahaan
ilaa heerka uu gaadhsiisan yahay aan la garanayn.
Sanadkii ugu dambeeyey ayaa waxa muuqday xulafo kale oo siyaasadeed
oo u muuqata in ay u babac dhigayso xulafadaasi hore oo ay ka mid yihiin
dawladaha Kenya , Somaliland , Djibouti oo aad loo dareemayo
saameyntooda siyaasadeed ee gobolka .
Marka laga yimaado xulafooyinka siyaasadeed waxa jirta khilaafyo
culus oo ka jira wadamo badan oo gobolka kawada tirsan oo ay ka mid
yihiin Somalia iyo Kenya kaasi oo ku fadhiya colaado taariikhi ah iyo
xuduudaha berriga iyo badda ba ah , Somalia ayaad moodaa in ay soo yar
baraarugtay oo ay awoodaheegii daleed ka shaqeysiisay ka dib markii ay
mudo 30 sanadood ah ka maqnayd saaxada siyaasadeed ee gobolka geeska
Africa .
Arimahani waxa ay sababeen in aanay wadamo badani sidii hore ee ay
isaga soo farogalin jireen ay wax iska badeleen taasi oo sababtay
colaado siyaasadeed oo heer adag ah oo in xidhiidhada la kala qaato ah
gaadhay , wallow hada la dhex-dhexaadiyey Kenya iyo Somalia hadana wali
xidhiidhku sidii hore maaha , sidoo kale Djibouti iyo dalka Somalia
iskuma fiicna.
Xulafooyinka waxa kaalin mug leh oo ka ciyaaraya Somaliland oo ay aad
u kala fogaadeen xukuumada hada wakhtigeedii dhamaaday ee ka talisa
Somalia iyo Djibouti oo u aragta in xukuumadaasi ku wacad furtay oo
tacab badan oo ay galisay Somalia laga abaal ka dhacay isla markaana la
soo taageeray waddan iyo dawlad ay Djibouti is hayaan .
Gobolka oo ay doorashooyin ka jiraan dhamaantii marka laga reebo
Erateria iyo Djibouti oo madaxweynahoogu dib isku cumaamaday lama garan
karo wax soo bixi doona , Somalia waxa taagan khilaafka qaabkii ay u
dhici lahayd doorasho iyo cidii maamuli lahayd doorashada oo la isku
mari laayahay mudo 9 bilood ku dhow , walina laguma heshiin.
Ethiopia waxa ay u diyaar garowday in ay doorasho gasho 2021 ,
doorashadaasi ilaa hadda lama garan karo nooca ay noqon doonto laakiin
waxa ay u muuqataa in aanay waxba kaga duwanayn doorashooyinkii TPLF
qaban jireen ee xisbiyada EPRDF aqlabiyada heli jireen marwalba
mucaaridkana dhakada lagaga taagnaan jirey.
Somaliland waxa sanadka 2022 ee soo socda la isku diyaarinayaa
doorashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo doorashooyinkii
ururada iyo axsaabta siyaasada maadaama mudadii ka dhamaatay sadexda
xisbi qaran ee Kulmiye , Ucid iyo Waddani oo ay kaga eeg tahay 2022 ,
lama saadaalin karo wax ka soo bixi doona doorashooyinkani xili ay
Somaliland u baahan tahay is badel mug leh na waa lagu jiraa.
Kenya waxa ay doorashada galeysaa sanadka 2022 dhawaana waxa wax laga
bad-badalay dastuurka dalka Kenya , kaasi oo loo arkay in xiligani wax
looga badelayo dano siyaasadeed oo ku qotoma xulafooyin abuurmi doona
doorashada soo socota , madaxweynaha hada jooga waxa ka dhamaatay mudo
xileedkii sharcigu ogolaa waxaana loo aaneynayaa in uu salaxanayo raisal
wasaare awood leh in uu dalkaasi ka noqdo mustaqbalka dhow.
Isku soo wada xoori doorashooyinka iyo dagaalada siyaasadeed ee
xulafooyinka ahi waa qaar saameyn isku leh oo xukuumadina ma ogola
xukuumada ku lidka ahi in ay soo baxdo , waana halka isha lagu hayo ee
la eegayo bal sida ay wax noqdaan , meelaha aad loo danaynayaa waa
wadamada Ethiopia , Somaliland , Somalia iyo Kenya cida talada ku soo
bixi doonta .
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...