Ayuu Hoyga Kula Gelin
W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar
Salaanta Islaamka ee qaaliga ah marka aad guddoontaan akhristayaasha sharafta lahow kaddib, waxan jeclaystay; in aan figraddayda ka dhiibto doorashooyinka is-ku-sidkan ee dalkeenna Somaliland ka dhici doona 31ka bishan Maay (May),2021 -haddii Eebbe idmo.
Waxyaabaha lagugu khaldi karana waxa ka mid ah: laaluushka, reernimada, gobolaysiga, ninjeclaysiga iyo wixii la mid. Sidaa awgeed, ayaan caqligaaga iyo codkaaga midna lagula yeelanin.
"Maskaxdaadu yay noqon
maqal lagula leeyahay
oo boqol miftaaxiyo
lagu furo masaabiir!"
waa erayadii Alle ha u naxariistee, Ibraahim (Gadhle)
Waxa kale oo xilligan doorashada loo baahan yahay, in laga digtoonaado; dillaaliinta ay xisbiyadu dirtaan ee suuqa ku jira oo siyaabo badan kuu duufsan kara.
oo inta lama huraanee
Salaanta Islaamka ee qaaliga ah marka aad guddoontaan akhristayaasha sharafta lahow kaddib, waxan jeclaystay; in aan figraddayda ka dhiibto doorashooyinka is-ku-sidkan ee dalkeenna Somaliland ka dhici doona 31ka bishan Maay (May),2021 -haddii Eebbe idmo.
Sida caadada ah, xilligan doorashadu wuxu leeyahay:
xamaasaddiisa, loolan, olole ku salaysancaadifad: xisbinimo, tu
reernimo, ninjeclaysi iyo wixii la mid. Arrimahaasi oo laga yaabo, in ay
qofka caadiga ee doortaha ah; ku keeni karaan jahawareer iyo in uu
garan waayo wuxuu yeeli lahaa ama ciddii uu dooran lahaa!
Waxana laga yaabaa, in uu qofka caadiga ah ku hafto
figradaha kala duduwan ee ay soo bandhigayaan axsaabtu oo uu garanba
waayo xaqiiqada dhabta ah ee ay ku salaysan tahay doorashadu amaba loolanku wuxuu ku saabsan yahay!
Haddaba, si aynnu u fahamsiinno doortaha waxa ay doorashadu ku salaysan tahay; aynnu isweydiinno dhawrkan su'aalood:
1) Maxaa loo tartamayaa? Waxa loo tartamayaa sidii codkaaga looheli lahaa ee kursi loogu fadhiisan lahaa- laguuna xukumi lahaa.
2) Haddii aan codayn waayo maalintaasi oo aanan
xisbiyada iyo murashaxiinta u kala eexan, maxaan ku waayayaa? Waxad
marka hore seegeysaa xuquuqdaadii muwaadinnimo mid ka mid ah oo ah;
inaad wax dooratid ama lagu doorto! Dhinaca kalana, waxad ka hiilisay
nin aad u hiilin lahayd oo codkaagu ku soo bixi lahaa- haddii Alle u
qoray.
Sidaa awgeed, waxa aad u wanaagsan; in aad codayso
maalintaasi- una codeysid xisbiga ama qofka aad rabtid ee aad isleedahay
dalka wuu hoggaamin karaa. Waxana xaqdarro ah iyo caddaalad darraba ah,
inaad codaysid hal jeer wax ka badan!
3) Maxay doorashadu dhab ahaantii ku salaysan tahay? Waxay ku salaysan tahay oo loo loolamayaa, aayaha dalka Somaliland, ayaaha ummadnimo, kaaga qofnimo iyo ka ubadkaaga ee shanta sanadood ee soo socota - sida sharcigu yahay.
4) Ma la i khaldi karaa? Haa, waa lagu khaldi karaa; haddii aanad dhug yeelan oo aad dhalanteedka run moodid!
Waxyaabaha lagugu khaldi karana waxa ka mid ah: laaluushka, reernimada, gobolaysiga, ninjeclaysiga iyo wixii la mid. Sidaa awgeed, ayaan caqligaaga iyo codkaaga midna lagula yeelanin.
"Maskaxdaadu yay noqon
maqal lagula leeyahay
oo boqol miftaaxiyo
lagu furo masaabiir!"
waa erayadii Alle ha u naxariistee, Ibraahim (Gadhle)
Waxa kale oo xilligan doorashada loo baahan yahay, in laga digtoonaado; dillaaliinta ay xisbiyadu dirtaan ee suuqa ku jira oo siyaabo badan kuu duufsan kara.
"Halmadaad halmadaad
hayaay yaan la dhashayey
hirigtaysmarinaayiyo"
Erayadii Timacadde - Eebbe ha u naxariistee.
hayaay yaan la dhashayey
hirigtaysmarinaayiyo"
Erayadii Timacadde - Eebbe ha u naxariistee.
Waxa kale oo loo baahan yahay, inwaqtiga doorashada
lagu baraarugsanaado; tilmaamaha uu yeelanayo/yeelanayso ninka/gabadha
ladooranayaa.
Macnaha aynnu u-la- jeednaa waa in ummadda loo sumal dayo
oo loo xulo; nin leh tayooyin ama sifooyin lahubiyey, sida:
dadnimadiisa, diintiisa (taqinimadiisa), waddaniyaddiisa, aqoontiisa iyo
kartidiisaba.
Haddaba, innaga oo ka duulayna sifooyinkaa xulashada ama sumaldayga ah, waxaynu soo qaadan doonnaa; qayb arrimahaasi tilmaamaysa oo ka mid ah afarley Hibaaq ee
uu qoraaga maqaalkani curiyeyoo marar horana ku soo baxday qaar ka mid
ah,mareegaha internetka ee Somaliland - gaar ahaanna xilligii
doorashada madaxtooyada.
Waxay tixdu leedahay iyada oo ummadda reer Somaliland
u tilmaamaysa cidda ay hoggaankooda u xulan lahaayeen; kana dhigaysa
ummadda sidii gabadh guur doon ah oo aabbaheed lasii dardaarmayo una
tilmaamayo ninkii ay ragga ka xulan lahayd iyo iinaha ay ragga qaarkood
kaga tegi lahayd ama ay kudiidi lahayd; ayaa waxay maansadu leedahay:
Haatanna Hibaaqey
Hilbihii an dhalayey
waxan kugu hilaadshaa
heerkii guurka weeyaan
Hadduu Eebbe hidiyana
haasaawe wiiliyo
hanashada carruurtiyo
hooy baad geleysaa
ee hal baa iga dardaaran ah
Inantii hannaan wacan
ee haanshaarta suuqyada
raggu waaw haliilaa
ee hugii dumar lahaa iyo
hiddaheenii soo xadho
Hab ku sii dushoo idil
hororada wax hiigiyo
halaq iyo abeesiyo
ha u daganin haawey
hilbahaaguun raba
waxan kugu hilaadshaa
heerkii guurka weeyaan
Hadduu Eebbe hidiyana
haasaawe wiiliyo
hanashada carruurtiyo
hooy baad geleysaa
ee hal baa iga dardaaran ah
Inantii hannaan wacan
ee haanshaarta suuqyada
raggu waaw haliilaa
ee hugii dumar lahaa iyo
hiddaheenii soo xadho
Hab ku sii dushoo idil
hororada wax hiigiyo
halaq iyo abeesiyo
ha u daganin haawey
hilbahaaguun raba
Halna waxad ogaataa
in nin waliba haabiyo
qorshe hoos u jeedoo
hablo loo samaystiyo
hannaankiisa leeyahay
Haasaawe beeniyo
heemaalka quruxdiyo
hanti jeeb ka buuxdiyo
habeen aad cashaysiyo
waxaan heemis dhaafeen
ninna yaanu kugu hodin
Hebadkii la nuugiyo
haye dhow ha noqonine
ee iska eeg hantaaqada
iyo godadkaa hadoodilan!
Bal aan kuu hilaadshee
raggu waa kun haybood
kala haabna weeyaan
Nin aan diinta lagu habin
oo ay waalidkii habaareen
ayuuhooyga kula gelin
Hor Allaba ninkaan baran
ee diinta kala hufkeediyo
cilmi haadintiisaba heersare
ka dhiganee halihiisa raacdaa
ayuu hooyga kula gelin
Higgaadaba nin aan baran
in nin waliba haabiyo
qorshe hoos u jeedoo
hablo loo samaystiyo
hannaankiisa leeyahay
Haasaawe beeniyo
heemaalka quruxdiyo
hanti jeeb ka buuxdiyo
habeen aad cashaysiyo
waxaan heemis dhaafeen
ninna yaanu kugu hodin
Hebadkii la nuugiyo
haye dhow ha noqonine
ee iska eeg hantaaqada
iyo godadkaa hadoodilan!
Bal aan kuu hilaadshee
raggu waa kun haybood
kala haabna weeyaan
Nin aan diinta lagu habin
oo ay waalidkii habaareen
ayuuhooyga kula gelin
Hor Allaba ninkaan baran
ee diinta kala hufkeediyo
cilmi haadintiisaba heersare
ka dhiganee halihiisa raacdaa
ayuu hooyga kula gelin
Higgaadaba nin aan baran
oo weli haylihii xidhan
oo habeedii ku taallaa
ayuu hooyga kula gelin
Ma hambeeye haamaan
oo habeedii ku taallaa
ayuu hooyga kula gelin
Ma hambeeye haamaan
wali qaba hamuuntoo
afku haan ka weyn yahay
ayuu hooyga kula gelin
Ninka haanta buuxsadey
ee hadhuubkiina dhamayee
hambadiisa cunayaa
ayuu hooyga kula gelin
ninka ah habeen dhaxa
ee uu hir kale muuqdaa
afku haan ka weyn yahay
ayuu hooyga kula gelin
Ninka haanta buuxsadey
ee hadhuubkiina dhamayee
hambadiisa cunayaa
ayuu hooyga kula gelin
ninka ah habeen dhaxa
ee uu hir kale muuqdaa
hablo kale la shaxayaa
ayuu hooyga kula gelin
Kuwa gala hudheelada
ee hablaha uun ugaadhaa
ayay hooyga kula gelin
Ninka jeega haystee
ayuu hooyga kula gelin
Kuwa gala hudheelada
ee hablaha uun ugaadhaa
ayay hooyga kula gelin
Ninka jeega haystee
ee wixii diintu hiiftiyo
hidinaaya laaluush
ayuu hooyga kula gelin
Hanfadaha aan wax dhaadeyn
ee hilinkaad maraysiyo
dhulka hoos u eegeyn
ayuu hooyga kula gelin
Ninkaan hiirta kicinee
haaddaba ka dheerayn
hidinaaya laaluush
ayuu hooyga kula gelin
Hanfadaha aan wax dhaadeyn
ee hilinkaad maraysiyo
dhulka hoos u eegeyn
ayuu hooyga kula gelin
Ninkaan hiirta kicinee
haaddaba ka dheerayn
ee hurdo ay la tageysaa
ayuu hooyga kula gelin
nacas hoos u jeedoo
hidhidhiida soo jaqa
oo hawadaa maraayoo
hugii uu xidhnaa iyo
hayluhu ka dhacayaan
ayuu hooyga kula gelin
Hulka diirran kii gala
ee harawaaji raamsada
ee shimbiraha la heesaa
ayuu hooyga kula geli
Afar daba harooshiya
iyo hebel ay yidhaahdaan
ayuu hooyga kula gelin
nacas hoos u jeedoo
hidhidhiida soo jaqa
oo hawadaa maraayoo
hugii uu xidhnaa iyo
hayluhu ka dhacayaan
ayuu hooyga kula gelin
Hulka diirran kii gala
ee harawaaji raamsada
ee shimbiraha la heesaa
ayuu hooyga kula geli
Afar daba harooshiya
iyo hebel ay yidhaahdaan
hammiggiisu kuu yahay
waa nacaskii hacooyee
ayuu hooyga kula gelin
Markay hees u qaadaan
ka halyey is moodee
hanaqiisa tumayee
habruhu ka cuudshaan
ayuu hooyga kula gelin
dhaqankeennii hoosiyo
hiddihii ka lumayee
een hooyadaa afgaraneyn
ayuu hooyga kula gelin
Ninka dhiilka heemshee
waa nacaskii hacooyee
ayuu hooyga kula gelin
Markay hees u qaadaan
ka halyey is moodee
hanaqiisa tumayee
habruhu ka cuudshaan
ayuu hooyga kula gelin
dhaqankeennii hoosiyo
hiddihii ka lumayee
een hooyadaa afgaraneyn
ayuu hooyga kula gelin
Ninka dhiilka heemshee
dhito leef yaqaannee
hambadiisa dhiganeyn
ayuu hooyga kula gelin
Ninka haybta sheegtee
kala hira dadkeennee
haanhaan u kala rara
hor Alle e ka dheeraaw
Ninkaan heegadaa sare
iyo hir badeed ku geyneyn
hambadiisa dhiganeyn
ayuu hooyga kula gelin
Ninka haybta sheegtee
kala hira dadkeennee
haanhaan u kala rara
hor Alle e ka dheeraaw
Ninkaan heegadaa sare
iyo hir badeed ku geyneyn
een horiyo dib kuu wadin
hor Allee ka dheeroow
hor Allee ka dheeroow
Mid kasta oo habaar qaba
oo hebal ay yidhaahdaan
oo Aadamuhu ay hiifaan
ayuu hooyga kula gelin
Ninkaan horumarkaaba
haabkiisa gelinee
haaneeta tiisee
haween kale u muuqdaan
Hibaaqey ka dheeroow
Ducaan kuu hibeeyee
hadalkayga maqaloo
halaqyada dhul jiifkiyo
ayuu hooyga kula gelin
Ninkaan horumarkaaba
haabkiisa gelinee
haaneeta tiisee
haween kale u muuqdaan
Hibaaqey ka dheeroow
Ducaan kuu hibeeyee
hadalkayga maqaloo
halaqyada dhul jiifkiyo
Haawey ka dheeroow!
oo inta lama huraanee
Berri hiilinaysee
nafta ku huraysiyo
halyeyda ogsoonow
.............
wa bilaahi At-tawfiiq
Email: [email protected]
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Bolton, England- UK
nafta ku huraysiyo
halyeyda ogsoonow
.............
wa bilaahi At-tawfiiq
Email: [email protected]
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Bolton, England- UK
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...