Ila Qosol .... Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Monday May 24, 2021 - 10:16:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol .... Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad akhristayaal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaal,

Qolyo reer miyi ah, ayaa beri gabadh ka soo doonay qoys reer magaal ah. Qoladii inanta laga soo doonay, ayaa is yidhi iska hagaajiya gacalkan gabadha idinka soo doonay. Waxana loo sooryeeyey raggii gabadha doonayey, si gobobnimo iy gacalnimaba leh.


Waxase yaabka yaabkii noqotay, markii goobtii loogu yimid; raashinkii oo dhandhamo mooyiye aan cidi dheefsan! Tolow maxaa dhacay?


Qolyahan inanta laga soo doonay ee reerka magaalka ahi, waxay is yidhaahdeen; meesha iska tiiriya oo ragga si fiican u sooryeeya! Raashinkiina waxa laga buuxiyey, nooc kasta oo geedo ah. Ma xawaash baa! Ma basbaas baa! Ma ...!


Ilayn, warba waa ka dambeeyee; qoladan reer miyiga (baadiyaha) ahi weligoodba may arag, manay ururin meel xawaash iyo basbaas lagu hayo!

Haddaba, markii raashinkii loo geeyey ee ay xeedhyihii daboolka ka qaadeenba; hindhiso ayay qaarkood bilaabeen, qaarkoodna qufac iyo ilmo! Shaaw ragganoow, maanta ka hor; mabay cunin waxaan cad ahayn - cabbitaankooduna caano geel ayuu ahaa!


Waxase ugu darnayd, markii ay raashinkii dhandhamiyeen ee ay basbaaskii ku gubteen! Markii ay cabbaar dulfadhiyeen ee cid ku dhacda la waayey, ayuu midkood soo jeediyey; in la sugo inta uu qaboobayo!


Waar illayn basbaas ma qaboobo!! Haddana, mar kale ayay hubsadeen raashinkii; waaba sidii oo kulaykii kama bi'in.


Waxay yeelaan inta ay garan waayeen, ayay xeedhyihii iska dabooleen oo dul fadhiisteen - iyaga oo gaajoonaya!


Mar dambe ayaa loo yimid, si weelka looga guro. Waxana la arkay, raashikii oo sidiisii ah oo aan dhandhamo mooyiye; cidi dheefsan ama ka dhergin! Markii la weydiiyey sababta ay cuntada u cuni waayeenna; ninkii ugu da'da weynaa ayaa ku jawaabey, " Cunto dab magaalo lagu kariyey ayay noqotoo, way dami weydey!"


Haddaba markii raggii loo sharraxay, waxay cuntadu u dafi (qaboobi) weydey ee loo sheegay; in lagu daray wax basbaas la yidhaahdo oo aan qaboobin, ayaa raashin kale loo kariyey. Gabadhiina waa la siiyey waana loo meheriyey oo way kaxaysteen.


Markii ay degaankoodii ku laabteen ee ay ka sheekeeyeen wixii qabsadayna,Waxa gabadhii loo bixiyey, Basbaaso. Waxayna noqotay, naag kulul oo beeshii ka tilmaaman!


Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...