Kenya Oo Ka Baxday Heshiis Muhiim Ah Oo Ay Hore Ula Gashay Dawlada Soomaaliya

0
Friday May 10, 2019 - 01:14:33 in News by
  • Visits: 4170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Ka Baxday Heshiis Muhiim Ah Oo Ay Hore Ula Gashay Dawlada Soomaaliya

    Kenya Oo Ka Baxday Heshiis Muhiim Ah Oo Ay Hore Ula Gashay Dawlada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Ka Baxday Heshiis Muhiim Ah Oo Ay Hore Ula Gashay Dawlada Soomaaliya

 

Muqdisho(HWN):-Dawlada Kenya ayaa ka baxday mid ka mid ah heshiisyadii ugu muhiimsanaa ee ay la gashay dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Image result for kenya iyo soomaaliya


Heshiiskan oo dhigayey in si toos ah loo soo celiyo duulimaadyadii u dhaxeeyey Muqdisho Iyo Nairobi taas oo ay ku heshiiyeen labada dawladood.


Dawlada Kenya ayaa shaacisay wargelin ku saabsan in wax ka badal lagu sameeyey heshiiskii ay hore ula gashay soomaaliya, iyada oo cadaysay in duulimaadyada ka yimaada magaalada Muqdisho aanay toos u iman doonin garoonka diyaaradaha ee Nairobi balse ay soo mari doonaan garoonka Wajeer halkaas oo lagu baadhi doono dhamaan rakaabka ka yimaada soomaaliya.


Waaxda duulimaadyada ee dalka Kenya ayaa laga soo xigtay inay shaacisay in duulimaadyada ka yimaada soomaaliya ay soo maraan garoonka Wajeer si loo soo baadho, iyada oo sheegtay inaanay toos u iman doonin garoonka diyaaradaha ee Nairobi.


Dawlada soomaaliya ayaan wali wax jawaab ah ka bixin talaabada ay Kenya kaga hortimid heshiis ay hore ula gashay iyo waxyaabaha sababay isbadalka, iyada oo xukuumada Muqdisho ay hore dedaal ugu bixisay in duulimaadyada Muqdisho ay toos u tagaan Nairobi maadaama oo dadka soomaaliya ka yimaadaa ay ka cawdeen qaabka loogu baadho garoonka diyaaradaha ee Wajeer.


Dhinaca kale isbadalka ay dawlada Kenya ku samaysay heshiiska ay hore ula gashay soomaaliya ayaa ku eg bisha August ee sanadkan 2019, balse may cadayn qaabka looga wareegi doono.

Loading...
Loading...