Musharrax, Talo Iga Hoo!

0
Sunday May 23, 2021 - 10:05:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrax, Talo Iga Hoo!

    Maxammad Saleebaan Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxammad Saleebaan Cumar

Musharrax kasta oo damac ka hayo hanashada kuraasta golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada waxa hor yaalla imtixaanka shacabka. Waa imtixaan kakan oo aan natiijada ka soo bixi doonta cidina ogayn, bal se la sii malayn karo. Waa imtixaan ay xubnaha dhici doonaa laba jeer ka badan yihiin tirada baasi doonta - maadaama oo ay saddexdii musharrax ee kasta laba ka mid ahi dhici doonaan. Haseyeeshee, guuldarradu ma aha dhammaadkii nolosha.



Ugu horrayn, musharraxiintu waa in ay faham buuxa ka haystaan xilka ay u tartamayaan. Waa in ay ka dheragsan yihiin masuuliyadaha, awoodaha iyo waajibaadka uu xilkaas sharcigu siiyay. Waa in ay leeyihiin aragti, ahdaaf iyo mabaadii' sugan oo baadisooc u ah. Waa in ay sidi karaan hammi ummadeed iyo himilo qawmi ah. Waa in ay wataan xirfad ay ku iibgayn karaan waxa ay aaminsan yihiin iyo qorshahooda waxqabad.


Si taas la mid ah, musharrixiintu waa in ay leeyihiin garasho dhaafsiisan is muujinta sawirrada, i-arkaayda dhalanteedka ah iyo dhaldhalaalka tabbeellayaasha. Waa in ay u tartamayaan ujeeddo ka xeel fog "anba waykan" iyo "ka muuqo".


Xubnaha codadka dadweynaha u tartamayaa waa in ay jawaabo maangal ah u hayaan weyddiimaha odhanaya: "...maxaan kuugu codeeyaa? ama waa maxay sababta igu khasbaysa in aan kuu codeeyo? Maxaad kaga duwan tahay ragga/dumarka kale ee kula tartamaya? Maxaan ka istafiidayaa codayntaada... iwm."


Musharrixiintu waa in ay weyddiimahan u hayaan jawaabo aan ahayn: "..waa markeennii, haddii reerkeennu dhaco waa la innaga badanayaa/badinayaa, reer hebel baa innaga bursanaya manaasiibta dalka, haddii golaha la innaga waayo waynnu gumoobaynaa iyo ugu danbayn iyo isku reer baynnu nahay oo in aad ii codaysaa adiga oo cibaadaystay kama dhacdo!"


Musharrixiinta waxa faran dedaal nafhur leh oo u baahan kudhac, karti iyo kalsooni. Waa dabci, in aanu aadamuhu jeclayn run kasta oo niyadda ka xaganaysa iyo xaqiiqo kasta oo aan duunkiisa farxad galinayn. Si taas la mid ah, waa dabci in aadamuhu ku raaxaysto mar kasta oo wax loogu sheego sida ay naftiisu rabto, xataa haddii ay been tahay.


Sidaas darteed, musharrixiintu waa in aanay wada rumaysannin erayada asxaabtoodu kula dedaalayso ee qalbi-ilaalinta ah iyo hadallada macmacaan ee reer magaalka: "...waan kuu codaynayaa, waannu ku wadannaa, waad soo baxaysaa, wax la hubo kursigaaga ayaa jira, anifoos baad tahay... iwm."


Taas beddalkeeda, waa in ay musharrixiintu adkaysi u yeeshaan naqdiga iyo saadaalaha taban ee natiijada. Eray kasta oo lagu durayo hannaanka cod raadinta ee musharraxa ama lagaga dayrinayo guusha uu keeni karaa waa in uu noqdo fursad uu musharraxu isku saxo iyo tamar ku sii kordhisa dardar, dedaal iyo wacdaro hor leh. Laakiin waa in eraygaasi nasteex yahay, isla markaasna uu ka yimid qof musharraxa la hawlgalaya, la halgamaya ama ugu yaraan guushiisa jecel.


Waa in ay lahaadaan filasho san, bal se aanay guusha isa siinnin. Guusha oo aad isa siisaa waxa ay sabab u noqon karta guuldarro u-qaadanwaa ah iyo lamafilaan baaxad leh. Waa aragti cilmi ahaan la xaqiijiyay in lamafilaan kasta oo ku soo wajahaa horseedi karo xanuunno hor leh oo aanad u daafad hayn.


Maxammad Saleebaan Cumar

23.05.2021

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...