30 Sano Iyo Baadi Goobkii Aqoonsigasomaliland. Qaybtii 7aad
Weli waxaa inoo socda qaybihii kala duwanaa e aynu ku eegaynay wadamada deriska la ah Somaliland.Waxaynu hore uga soo hadalay wadamada Itoobiya iyo Jabuuti,qaybtana waxaan eegaynaa Soomaaliya oo ah,wadankadhinaca Bari deris kala ah Somaliland.
Maxaynu wadaagna Soomaaliya:-
Soomaaliya waxaynu wadaagnaa ,arimo badan,oo aan layska indho tiri karin,kuwaas oo isu jira dhaqan,dhaqaale iyo siyaasadba intaba,waxaana ka mid ah:-
1.Diin-labada dalba waa Muslim,weliba labada dalba Suni,mana jirto wax kala duwanaan ah dhinaca Diinta.
2.Jinsiyada Somaliland iyo Soomaaliya waxaa degan Shacab isku Jinsiyad ah,isku meel ka soo wada jeeda dhalasho ahaan.
3.Dhaqan:-Somaliland iyo Soomaaliya waxay leeyihiin dhaqan iyo caadooyin isku mid ah,mana jiro wax kala duwaan ah oo la tilmaami karaa.
4.Af-Soomaali:-Somaliland iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya,oo ay ku wada hadlaanAf keliya oo ka dhexeeya-waa Af-Soomaali(hadal iyo qoraalba).
5.Midabka:- Somaliland iyo Soomaaliya iyo guud ahaan,Soomaalida Geeska Afrika ku nool,waa dad isku midab ah aad iyo aadna isugu eg.
6.Derisnimo:- Somaliland iyo Soomaaliya waa laba wdan oo deris ah,waxay xuduud dheer ka leeyihiin dhinaca Bariga Somaliland.
7.Dowladnim: Somaliland iyo Soomaaliya waxayisku biireen1July 1960,ilaa 1990,waxay ahaayeen Dowlad wadaag , mudo 30 sanadood,waxay isku ahaayeen hal dal oo wax waliba ka dhexeeyaan.
8.wada
dhalasho iyo xididnimo:- Maadaama aynu 30 sanadood isku Dowlad ahayn
waxaa abuurmay,isdhexgal bulsho oo aad u balaadhan. Waa laysu noqday
Abti-sodog iyo seedi.
9.Ganacsi:- Waxaa abuurmay Shirkado Ganacsi oo la wada leeyahay Shacabka Somaliland iyo Shacabka Soomaaliya iyo is dhexgal balaadhan oo dhinaca Ganacsiga.
Maxaynu ku kala duwan nahay:-
Somaliland iyo Soomaaliya waxay keliya ay kula duwan yihiin waa Siyaasada,waxaynu isku haysanaa waa laba eray oo kala ah,midnimadu waa muqadis iyo kala gou waa muqadis.Waxaan qabaa wixii kale oo dhan waa laga heshiin karaa,laakiin kala goida iyo midnimada way adag tahay sidii looga heshiin lahaa,waqti dheerna way qaadan doontaa.
Maxaa xal inoo ah:-
xalka keliya ee Somaliland iyo Soomaaliya waa in ay wada-hadlaan,wada-hadal dhab ah ,oo si dhab ah loo wajaho arimaha laysku haysto,lana kala gar qaato.
Hadal iyo dhamaan,Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku qurux badan yihiin laba dal oo walaalo ah,deris ah,kana shaqeeya horumarka dadkooda iyo dalalkooda,sidaas ayey aniga ila tahay.
ALLAA.MAHAD.LEH
ALLAA. M A H A DL E H
Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)
fb. Abdi Saleiman
Twitter:@_saleiman.
Skype: abdisaleiman1
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!