Cismaan Abuukar Dubbe (jug Soo Dhacayga Muqdisho), Ma Qixi Doonaa Mar Lixaad? Hadduuse Qaxo Halkuu U Qixi doonaa?

0
Saturday May 22, 2021 - 17:36:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cismaan Abuukar Dubbe (jug Soo Dhacayga Muqdisho), Ma Qixi Doonaa Mar Lixaad? Hadduuse Qaxo Halkuu U Qixi doonaa?

    Cismaan Abuukar Dubbe (jug Soo Dhacayga Muqdisho), Ma Qixi Doonaa Mar Lixaad? Hadduuse (Cisman Dubbe (Jug soo dhacayga Muqdisho) oo kuyuu ugu jira raashin, hotel ku yaala Dalka Turkey)Qaxo Halkuu U Qixi doonaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cismaan Abuukar Dubbe (jug Soo Dhacayga Muqdisho), Ma Qixi Doonaa Mar Lixaad? Hadduuse (Cisman Dubbe (Jug soo dhacayga Muqdisho) oo kuyuu ugu jira raashin, hotel ku yaala Dalka Turkey)Qaxo Halkuu U Qixi doonaa?
Waa Axad la sooman yahay oo bisha April ay ku sii siqaysay gabogabo waana maalinteeddii 26aad, rasaas xoogan ayaana ka dhacaysay magaaladda Muqdisho oo ay is waydaarsanayaan kuwo taabacsan midowga musharaxiinta iyo kuwo taabacsan Farmaajo ama (Mr Cheese). Kuwa taabacsan mucaaridka waxa ay ka tirsanaayeen ciidmadda qalabka sida ee dalkaa Somaliya, kuwaasi oo ka soo ruqaansaday agagarkaa gobolka Shabeellaha dhexe, waxaanay fadhiismo ka dhigteen degmooyin ka tirsan gobolka banaadir.



Qaar kalena waa Saadiq John oo laga soo casilay booliska oo toddobaadyaddii ugu danbeeyay fadhiisimo ka dhigtay xaafadda Hodan. Isku soo wada xooriyoo waa beesha ku abtirsata magaaladda Muqdisho iyo goboladda ku xeeran oo ka hor yimi Farmaajo, ka dib markii ay dhamaadeen afar sanno oo xilkiisii ahaa laakiin ka dhaga adaygay inuu doorasho qabto ama uu xilka iska dhiibo, isagoo ku dhufsaday shaanbad ay u hayeen aqalka hoose ee baarlamaaanka dalkaasi oo markii ugu horaysay uu u sameeyay baadari la odhan jiray Mahiinga oo tanzaaniyaan ahaa, kaasi oo woxoogay isa soo badalay laakiin asalkiisii ka yimi Mahiinga sanooyin badan ka hor.


Haddaba CismaanDubbe(Mr Jug Soo Dhacayga Muqdisho)oo ku magacaaban Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo dabcan isaga waa Cismaan Dubbe ay Soomaliland-na ugu jirto, ayaa si qiiro iyo kalgacal u weheliyo u aaminsan in Soomaaliyadii burburtay 1991kii. Waa siddii loogu sheekeeyay isna uu u qaataye, waxa uu maqaal dheer oo uu ku qoray Hadhwanaag News cinwaan uga dhigay "Jidka Dawladnimadda Iyo Jidka Dawlad La’aanta” kaasi oo aanad kala garanayn inuu ka hadlayo Somaliland iyo inuu ka hadlayo Somaliya. Ninkan muddo ka hor u baxsaday Somaliya, isaga oo is tusay inay somaliland u dhaanto somaliya oo uu yahay mid waddaniyaddu biyo dhigatay ayaa inoo akhriyaya waxa u dhexeeya dawlad la’aan iyo dawlad. Waxa uu aad ugu dheeraanaya in aan dawlad dhisan la iska dumin isaga oo sarbeebta uu inoo sheegayaa ama fariinta uu dirayaa ay tahay inaan dawladda Farmaajo la dumin.


Waxa kale oo uu maqaalkaa inoogu sheegayaa inuu isaga waa Cismaan Dubbe (Jug Soo Dhacayga Muqdisho e’) uu qaxay shan jeer laakiin inooma sheegin halka uu ka qaxay shanta jeer iyo cidda qixisay ee sabab u ahayd. Waxaanu inagula hadlayaa Af shinbireed ama Af-Ciyaal aynu ka soo gabownay kuna soo qaadanay ciyaalnimadeenii. Haddaba haddii CismaanDubbenaftiisu ugu sheekaysay in dantiisa khaaska ahi ku jirto Somaliland marka uu ka qaato mushahar aanu waxba ugu qaban ee ay xukuumaddii Siilaanyo ugu yeedhi jirtay consultant ama la taliye aan la garanayn waxa uu kala talin jiray Xukuumaddii Axmed Guddi oo beesha Barrigga Burco ka dhigatay Xukuumaddii qaate qaado ama ta Farmaajo marka yahay Af-hayeen Xukuumadda Farmaajo ama Mr Cheese haddaba maxaynu ka qorraa qofka noocas ah ee la guurguura Title madhan oo ah Wasiir Warfaafinta Xukuumadda Farmaajo ama Consultant Xukuumaddii Siilaanyo iyo mushahar yar

Kaasi oo ah mid aan lahayn qiyaam dadnimo ama waddaninimo aakhirkiina laga daawaday sawiro isaga oo Kuyuu ugu jira raashin uu ka qaadanayo Hotel ah Turkey oo lockdown lagu galaiyay ka dib markii uu ka soo fadhaqsaday Muqdisho isaga iyo xilsuge Kayse oo aan isaga loo Tawaabin wax xila kaasi oo isna Muqdhiso Kabo la’aan kaga soo cararay isagoon Rayska caggaha galin allow maxaa Toobad seeg meesha ka dhacay Muqdisho ayay ka dillaacday waa war aanu idinka qoray laakiin ku soo gabgaboobay Kabo dacas ah iyo Kuyuu raashin loogu galay Hotel Turkey ku yaal oo lagaga dhigay Lockdown kaasi oo ku darsoo Mr Cismaan Dubbe (Jug soo dhacaygga Muqdisho) uu eedayn jiray Dalka UK oo ahaa meshii Magangalyadda siisay lixdda jeer ee uu qaxay ee uu inoo sheegay ka dib kaasi oo si indho la’aan ah ugu eedayn jiray inay Hagardamaynayaan Xukuumadda Farmajo ee uu ka ahaa Wasiirka Wrfaafinta ee Federaalka Soomaliya.


Somaliland ama Somaliya, kolbana meesha uu ka helayo mushahar beena oo uu ku qaato consultant reeraysan. Marka uu joogo somaliland ama xil yar oo loo magacaabo sidaa ku yahay Somalilander dhab ah, marka tuumbaddu ka baxdo ee ardaagiisii xukuumadda hayay la badalo, isbadalna yimaado uu inoo jeedinaya lecture ah in midnimadda Somaliland iyo Somalia tahay ta kaliya ee jirta somaliland-na laga daaro Muqdisho.


Ogow ninka noocan oo kale ah Somaliland waxa uu ugu astaysan yahay calooshiisa u shaqayste. Siddii uu madaxwayne Cigaal mar hore oo afka ingiriiska lagu waraystay ku tilmaamay Ismaaciil Buubaa (mercenary), kaasi oo ka hillaca hadba halka dantiisa khaaska ahi u tilmaanto. Sababtoo ah ma laha qiyaam dadnimo iyo mid waddaniyeed toona. Haddaba cismaan dubbow Somaliland waa dal madaxbanaan oo aanay habboonayn in aad mar kasta wax anshaxa dawladnimo kula kufto. Mar walba Farmaajo ayaa waraaq yar ku soo dhiibaya oo ku odhanaya akhri, 2AMmar Jabuuti oo aad maalmo uun ka hor eedaysay iyo Kenya oo aad ka lulato iyadoo Somaliya u haysa qaxoontiga adduunka ugu badan ee xeryo ku jira sida Dhadhaab iyo kuwa kale oo la midka ah.


Maqaalkana aan u soo noqdo iyo wixii Muqdisho ka taagnaa maalmahan dhawayd iyadoo la isku adeegsaday rasaasta noocyadeedda kala duwan oo isbahaysigga iyo ciidamadda farmaajo ay is waydaarsanayaan miyaanay ku xusuusinayn 1991-kii, oo Cali Mahdi iyo Caydiid oo uu Siyaad Barre uga baxay magaaladda caasimadda u ahayd Somaliyaddii hore iyadoo siraadan oo laydh iyo biyaba leh. Muddo dhowr sanno ah ka dibna isku rogtay magaalo Shaydaan.Markii aan dhameeyay Maqaalkii ayuu Cismaan Dubbe Jug soo dhacaygga Muqdisho ka jawaabay halkii uu u qaxay mar todobadkii waxaanah noqotay Great Britain oo uu toddobaadyo uun ka hor eedaymo u soo jeedinayay haysayna muddo dheer isaga iyo Qoyskooddaba waraaqddii Farmajo uu soo fari jiray akhrina ay ku soo gabagaboowday Kabtay meeday iyo ilaydho siddii Caydho Sablaale loogu galo Kuyuu Hotelo ku yaala Turkey Beenay waxba ha tarin.


(Dubbe oo internet ka ka baadhaya Wararka iyo halka xaalka Somalia marayo.)

Cismaandubbeoo ay ka dul shanqadhayaan madaafiic aan wax badan ka duwanayn kuwaas 30-ka sanno ka hor ay isla dhacayeen ayaa marba cid eedaynaya, Ma somaliland ayaa ugu wacan mise waa mid dhexdoodda ah? waa mid dhexdoodda ah ee bal adigu haddaba Mr Jug Soo Dhacaygga Muqdishow u magac bixi dagaalka higtiisa iyo damtiisa hurdadda u diiday shacabka Muqdisho bil Ramadan oo barakaysan gudaheed.


Haddaba aan ku soo af-meero maqaalka caawa oo ay Ciid tahay xaggeed ku sugan tahay? Xaaladaaduna waa sidee Cismaan Dubbow ama Jug Soo Dhacaygga Muqdishow? iswaydiintuna waxay tahay xaggee ayaad u qixi doontaa markaaaga lixaad? Haddii aad meelo kala duwan ka qaxday shan jeer oo hore dadka reer somaliland caawa sidaadda ma ay noqon calooshooda u shaqaystayaal waxaanay si nabad iyo caano ah ugu nabdoon yihiin somaliland. Waxaana ay ku ladeen nabad ay ugu abaal hayaan Eebbe oo kaliya. Mana ilaalinayaan ciiddamo laga soo ururiyay wadamadda afrika oo jaabe jaabe ah. Waxa aad is waydiisaa inaad mar kale u soo qixi doonto dalkaaggii hooyo ee Somaliland ee aad ka caasiyowday iyo inaad dhulka faranjigga oo aad malaha dhalasho ka haysato u soo qixi doonto? Si kastaba ha noqdo xaalkaaguye anagu waxaanu nahay reer Somaliland oo kaliya ay u hadhay inay ku guulaystaan aqoonsi caalamiya oo loogu aqoonsaddo inay yihiin dal madax banaan oo aan ka tirsanayn Muqdishaddaa ay dayaanka madaafiicddu kaa dul onkadayso ee ku abshir calooshiisa u shaqayste, dhaaxaan adiga oo kale aragnay oo kolba meel u dulaama. Bal aan kula dhowro halka uu wakhtigu ku dhigo adiga iyo Mr Cheese.


Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...