Laba Kooxood Oo Ingiriis Ah Oo Iskugu Soo Baxay Final-ka Tartanka Europa League
Kooxaha Chelsea iyo Arsenal ee dalka Ingiriiska ayaa iskugu soo baxay ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka Europa League ka dib markii ay ka soo talaabsadeen kooxaha Valencia iyo Frankfurt oo ay isku arkeen wareega afar dhamaadka.
Kooxda Chelsea ayaa ka soo talaabsatay kooxda Frankfurt ee dalka Jarmalka ka dib markii ay lugtii labaad oo ay ku yeesheen garoonka London ku kala baxeen hal gool iyo hal gool, halka ay lugtii hore barbaro kaas la mid ah ku kala baxeen balse kooxda Chelsea ayaa rikoodhayaal toos ah loo dhigay ku soo baxday afar iyo sadex.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa guul fudud ka gaadhay kooxda dhigeeda ah ee Valencia oo marti u ahayd ka dib markii ay lugta labaad ee tartanka afar dhamaadka Europa League kaga raysay afar gool iyo laba, halka ay lugtii hore-na kaga badisay hal iyo sadex.
Kooxaha reer Ingiriis ee Arsenal iyo Chelsea ayaana kala qaadi doona koobka Europa League halka Liverpool iyo Tottenham ay kala qaadi doonaan koobka Champion League.