Dastuurka Somaliland Muxuu ka Qabaa Xadhiga Xubin Ka Tirsan Goleyaasha Sharci dejinta Ee Wakiilada Iyo Guurtida?

0
Friday May 10, 2019 - 00:30:36 in News by
  • Visits: 5046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dastuurka Somaliland Muxuu ka Qabaa Xadhiga Xubin Ka Tirsan Goleyaasha Sharci dejinta Ee Wakiilada Iyo Guurtida?

    Dastuurka Somaliland Muxuu ka Qabaa Xadhiga Xubin Ka Tirsan Goleyaasha Sharci dejinta Ee Wakiilada Iyo Guurtida?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dastuurka Somaliland Muxuu ka Qabaa Xadhiga Xubin Ka Tirsan Goleyaasha Sharci dejinta Ee Wakiilada Iyo Guurtida?


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa goor dhawayd xabsiga ku hubsatay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.




Wararka aan wali la xaqiijin ayaa sheegay in ciidamada booliska ee qabtay xildhibaan Dhakool ay siteen waaran qabasho ah oo ay goysay maxkamadu.


Xadhiga xildhibaan Dhakool oo loo aanaynayo inuu yimid ka dib markii uu wax ka sheegay xuska 18-ka May ee isla markaana ku tilmaamay maalin u gaar ah wax uu ku sheegay beesha SNM.


Xadhiga xildhibaan Dhakool ayaa durba waxa ka dhashay su,aalo ku saabsan qaabka uu xalaal u noqonayo in la xidho isaga oo haya xasaanadii xildhibaanimo ee golaha wakiilada iyo waxyaabaha uu ka qabo dastuurka somaliland.


Hadaba qodobka 79aad ee dastuurka jamhuuriyada somaliland ayaa si faah faahsan uga hadlaya qaabka loo eedayn karo xildhibaan ka tirsan goleyaasha wakiilada iyo guurtida kaas oo odhanaya sidan:-


1.Xubnaha goleyaasha(Wakiilada iyo Guurtida) waxa lagu oogi karaa dacwad dembi ahhadii la qabto xubinta ama xubnaha iyaga oo faraha kula jir fal dembiyeed(Flagrante Delicto), dambigaas oo ciqaabtiisa ugu yari tahay sadex sanadood oo xadhig ah.


Hase yeeshee lama horgeyn karo maxkamad loomana gudbin karo xabsi ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.


2.Dacwada dembiga ah ee lagu oogayo xubnaha goleyaasha waxa soo oogaya xeer ilaalinta guud ka bacdi marka golaha xubintu ama xubnuhu ay xasaanada ka qaadaan.

Loading...
Loading...