Gudoomiye Cirro Oo Booqday Gurigii Lagaga Dhawaaqay Somaliland, Eedaymo Kululna Ku Ganay Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisa+Sawiro
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa kormeer ku tagay gurigii lagaga dhawaaqay dawladnimada somaliland eek u yaala magaalada Burco.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ku sugan goobta uu gurigaasi ku yaala ee magaalada Burco waxa uu sheegay in dhismahaasi uu yahay meesha ugu muhiimsan ee lagu xusi karo 18-ka May, waxaanu yidhi "Waxaan shacabka somaliland u sheegayaa inaan taaganahay aqalkii lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland sanadkii 1991, waana bogcada ugu mudan in lagu xuso 18-ka May, waxaan shacabka somaliland kala qayb galay munaasibada ciida qaranka aniga oo shacabka Togdheer la ciiday, waxaan mar labaad shacabka somaliland ku bogaadinayaa maalinta qaranka ee 18-ka May”
Gudoomiye Cirro waxa uu xukuumadihii kala danbeeyey ee xisbiga Kulmiye ku canaantay dayaca ka muuqda gurigii lagaga dhawaaqay somaliland "Xukuumadihii Kulmiye ee wadanka soo xukumayey ilaa sanadkii 2010 waxay jecel yihiin 18-ka May laakiin waxa ayaan daro ah in goobtii lagaga dhawaaqay ay sidaas u eeg tahay maanta iyaga oo xukunka hayey mudo ka badan 11 sanadood.”
Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray dhawaaq ka soo baxay Muuse Biixi oo uu ku sheegay in gudoomiye Cirro uu xuska 18-ka May ku maqan yahay wadanka dibadiisa "Waxa kale oo aan la yaabay in madaxweynuhu yidhi Cabdiraxmaan Cirro wuu ka maqnaa xuskii 18-ka May aniga oo Burco jooga oo aan dibada ku maqnayn, waxaan is idhi madaxtooyadu ma qurbaha ayey uga mid tahay magaalada Burco”
Gudoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu xukuumada u diray fariin ku saabsan gurigii lagaga dhawaaqay somaliland "Waxaan u soo jeedinayaa xukuumada in maalinta qaranka ee sanadka soo socda lagu qabto goobtan,sanadkaas ka hadhsana halkan la dhiso.”
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |