Innaguma Waajib Ah Oo Kaliya Hambalyada Iyo Bogaadin 30sandood JSL
Balse Waxa Inaagu Waajiba 30sandood Dib U Egistood Iyo Su'aalah Kadhalanaaya ?
"inn aguma waajib ah oo kaliya hambalyada iyo bogaadin 30sandood Inn baarka
ka jaray ee waxa inagu waajib dib u eegista dhab ah, 30sandood ee
inoo dhamaaday si aan u helo 30 soo socad haddii rabbi idmo inaan meel
ka wanaagsan halka aynu joogno maanta u gaadhno iyo guul dhameystir
oo ummadeed "
Waxaynu dib u eegis ku sameeynay 30 sandood oo aynu ku sugneyn
dhiig-baxa dhawac , dhimasho iyo qaxitaan nooc walba ahaa dad iyo
duunyaba . Go,aan ayeynu ku gaadhney inaan wadda hore la qaadin
karin laguna sii socon karin balse ay haboon tahay inagunna waajib tahay
mid kale oo inoo surto-gelineysa Nabad Nolol iyo waddajir iyo waxwadda
lahaansho inaynu qaadno .
Waa
ku dhaqaaqnay si kasto dheeli iyo dhawac innooga horyimadeen.
Waxaynu gaadh Maanta 30kii hore 30dan kale oo aynu waddii danbe
go,aanka aan ku qaadanay hayney . Waxa Maanta mar kale innagu waajib
ah mar labaad inaan dib waxa isagga weydiino si la mid ah 30kii hore .
Sidda awdeed 30 guuraddan 2021 waxa inoogu lifaaqan dib u eegis
dawladnimadeen iyo hanankeeda oo kala labba qaybood mid ummada ah
iyo mid Dawlada dhiska ah oo ka faracamaya qayb last iyo kadin kasto
Aas aasiga Dawlanimadah ah iyo kafeynta Nolasha Ummadda ah .
Tusaale ahaan taladii iyo go,aankii la qaatay 1991 maxaa ka hirgelay
sidda wadda lahaansha dawladnimada si guud ahaaneed ? Maxaynaan
qaban ee aheyd inaan qabbano ? Go,aankii la qaatay ma u fulay sidii
waddarta ahayd loo wadda qaatay mise laaxinba galay ee ummadu isugu
wadda raacday ? Waxa kasto oo aynu kagga cabanay qabtii midowga
dhicisoobay ama aan hirgelin siddii uu qorshu ahaa inna dhex maray ma
hirgelnay wax ka duwan mise waxa aan ku dhaqaaqnay mid la qaab ah
ama falgal la yeelan karra?!
Sababtada
dawladnimadeen guud ahaan Addunku ugu qanci-wayay maxay tahay 30
sandood oo aynu nidaam iyo heykal dawladnimo oo aan in badan Aduunka ka
jirin aynu hirgelinay oo weliba hufnaan dheer tahay ?
Waxa
innaga khaldamay wax kasto ay yihiin 30 snadood ee aynu goonidda nahay
sidee ayaan u saxnaa oo laaxinka uga saarna ? Xududa Dalkeena aynan
30sandood gacanta kuwadda qaban in badan dalkeen ah aanu nidaamka
dawlanimad gaadhini maxaa talo ah oo innooga meel taal ? Goboladda iyo
degmooyinka ka biyo-diidan gooni-istaagga wadadee igu wanaagsan oo
diidmadood xal ugu heli karra? Siddee ayaan u sii xoojin-karra
dhismaha guud ee ummadnimo iyo ka dawladninomo ? Waxa kasto Maanta
Jamhuuriyada Somaliland iyo ummaddeed ahaan xaquuq oo inagga maqan
wadadee ayaan ku heli karra ?
Qof
kasto Muwaadin ah oo Jamhuuriyada Somaliland ah waxa ku waajib ah inuu
su,aalahan iyo kuwo ka sii waa weyn ka fakero isla markaan soo
ban-dhigo si aan u helo tallada maan-galka ah iyo wadda igu haboon ee
innagu waajib inaan ku hirano 30sanadaha soo socota markaan horseedki
karra waxa kasto ah caqabada dalkeen iyo ummadda ahaan inoo gaar xal
waara ugu heli lahayn . Sidda ila quman ,Innaguma waajib ah oo kaliya
hambalyada iyo bogaadin 30sandood baarka aynu ka jaray ee waxa inagu
waajib dib u eegista dhab 30kaa inoo dhamaaday si aan u helo 30ka soo
socda haddii rabbi idmo inaan meel ka wanaagsan gaadhno iyo guul
dhameystir oo ummadeeda iyo Dawladeedii"
Abokor I Mohamud.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...