Dagaalka Ama Tartan Ama Boobka Dekedaha Africa Oo Ay Berberi Ka Midtahay.

0
Thursday May 20, 2021 - 10:22:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Ama Tartan Ama Boobka Dekedaha Africa Oo Ay Berberi Ka Midtahay.

    Make ka faa'iidaysanaynaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Make ka faa'iidaysanaynaa?

waxaad meel kasta arkaysaa heshiisyo iyo saldhigyo ciidan oo ka socda dekedaha Africa oo ay quwadaha waaweyni doonayaan in ay Africa hadana markii saddexaad ay boobaan



Markii u horeysey ee quwadaha waaweyni ay Africa gumeystaan ee ay ku heshiiyeen 1884-kii ayay ahayd oo ay qeybsadeen qaarada Africa


Markii 2-baad-na waxay ahayd 1947-kii dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyey Nato iyo Warso ( dalka USA maraykanka iyo Soviet union-kii) ee ay dalalka Africa kala raacsanaayeen


Kabacdi markii uu burburay Soviet union-kii 1991-kii dalka USA maraykanka ayaa dunida oo dhan ka taliyey oo aan cidina ku haysan 2010-kii ayaa waxa bilaabmay tartankii iyo dagaalkii iyo boobkii dekedaha Africa oo ay dalka China bilawday oo ay meelo badan ka dhisatay dekedo oo uu noqday dalka china dalka koobaad ee xidhiidhka dhaqaale iyo ganacsi la leh dalalka Africa intooda badan oo meeshii waxaa ka baxay dalkii Maraykanka iyo France-siiska .


Qaarada Africa waa qaarad ku hodan ah kheyraadka iyo birth iyo dahabka iyo kuwa kale ee kala duwan Laakiin aan iyadu garanayn sida ay uga faa'iidaysato ,


Arintaas ayaa keenly in marwalba quwadaha shisheeye isku haystaan oo u kala tantamaan. Hore dalalka Africa xasilooni siyaasadeed baa lagala dagaalamay, iminkana waa laysku diri doonaa gudahooda iyo jaarkoodaba , si aanay horumar u gaadhin ama danahooda uga fekerin, arintaas oo u baahan faham iyo bisayl siyaasadeed oo qoto dheer.


Hadii kale weligood dhibaatada iyo faqriga iyo dagaalada iyo Jahliga iyo nolol xumada ka bixi maayaan Waxaana la filayaa 2100 in ay dadka qaarada Africa gaadhi doonaan 4.5 Bilyan oo ay noqon doonaan qaarada dunida ugu dad badan Oo ay qaarada Africa noqon doonto suuqa ugu weyn ee ganacsi ee quwaduhu u tartamayaan iyo qaarada ugu kheyraadka badan dunida.


Hadaba madaxda iyo dadka qaarada Africa ma ogyihiin arimahan iyo siyaasada quwadaha waaweyni ay ka leeyihiin iyaga iyo dalalkooda?


Dekeda Berberi waa dekedaha ugu muhiimsan qaarada Africa ee furaha iyo albaabka qaarada laga galo , hadaba ma la soconaa oo ma ognahay qiimaha ay leedahay dekeda Berberi?

Make ka faa'iidaysanaynaa?


Weynu eegi doonaa in ay siyaasada fahanay oo aynu la ciyaari karno caalamka oo bisayl la nimi iyo in kale?


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...