Akhri Xaalka Maandeeq Waa Aad La İlmayn Doontaaye!.

0
Thursday May 20, 2021 - 10:23:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri Xaalka Maandeeq Waa Aad La İlmayn Doontaaye!.

    Maalin kale waxa aan arkay Maandeeq oo ku labisan halmaro oo ka kooban dhowr iyo toban jaamood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin kale waxa aan arkay Maandeeq oo ku labisan halmaro oo ka kooban dhowr iyo toban jaamood




¹Maandeeq Waxa ay kasii dhacaysaa buur qarkeed, marada ayaa waxa ay u suran tahay geed aan aad usii adkayn oo ku yaalla buurta cirifkeeda haddii ay badbaado hesho waa macquul maandeeq in ay maalin kale nolosha sii qaadato balse haddii kale waa hubaal in ay dhacayso walibana dhacayso dhicid aysan macquul ahayn in ay sii noolaato noloshana sii qaadato maalin kale.

²Markale Maandeeq waa ay qaawantahay ma haysato maryo ku filan waxaa ku dahaaran dhar duug ah wasakh iyo dildilaacna u dheer yahay, ceebteedu ma qarsana oo dunida oo dhan baa og arradka maandeeq saas oo ay tahay dan kama ay laha waxaaba moodaa in aysan ayada ahayn cidda qaawan waxa ayba diyaar u tahay in ay iska siibto intaas wasakhaysan dildillaacuna u dheeryahay ayna dadka soo dhex istaagto ayada oo qaawan.

³Maandeeq in aan waraysto ayaa aan isku dayay anigu balse kelmad walba oo Maandeeq afkeeda kasoo baxdaa waxa ay ahayd madaxu in uusan majaha kala jeclayn. gacmuhu in aysan wax dan ah ka lahayn caloosha. wadnuhu in uu buko beerkuna bakhtiyay mar hore, saas oo ay tahay ayada oo jirkeeda midna uusan mid kale ka naxayn ay wali nolosha rajo kasii naawilayso ay isu sheegayso in xubin walba oo jirkeeda kamid ahi gaarkeeda u noolaan karto aniga oo dhabanada haya ayaan idhi Maandeeqeey miyaadan ogayn madaxu in uusan majaha la'aantood meelna u dhaqaaqi karin, calooshu in aysan gacmaha ka maarmin oo ay gaajo u dhimanayso, garbuhuna shaqaynayn hadaan dhabarku toosnayn?! ayada oo maala yacni ii aragta ayaa ay tidhi Maandeeq nolosheeda ayaa sidaas ah, waa ayna ku khasbantahay in ay ku noolaato.

⁴Maalin kale waxa aan arkay Maandeeq oo ku labisan halmaro oo ka kooban dhowr iyo toban jaamood jaan walbaana ay leedahay kalar gooni ah aniga oo maskaxdaydu diidantahay qalbigayguna ka naxay xaaladeeda ayaa aan waydiiyay in waxa ay ku labisantahay tahay wax aan macquul ahayn wax aan soo saarayn shakhsiyadeeda, wax ceeb iyo gooni ka dhigaya marka ay dadka dharka isku eg qaba dhex tagto, inta ay gadaal iisoo eegtay ayaa ay i tidhi "miyaadan ogayn in jaan walba oo kamid ah maradayda ay u taagan tahay qeyb shakhsiyadayda iyo jiritaankayga kamid ah". aniga oo afkii isii kala tagay ayaa aan idhi "oo maandeeqeey miyayna macquul ahayn in aad xirato maro isku eg kaana turjumaysa adiga oo idil?! waxa ay tidhi "hadda ma markii koowaad ee aad i aragtid baa miyaadan ogayn in aan qabi jirey maro sidaas u eg balse hadda aan tan ka doorbiday."

⁵Mar aan sii fogaynna waxa aan arkay maandeeq oo gaajo meel cidlo ah u taalla aniga oo ka naxay duruufteeda ayaa aan idhi maxaa ku caqiyay maandeeqeey miyaadan ahayn ruux taajir ah wax walba oo lagu baahi beelana ay dhiniciisa taallay ayada oo indhaheeda illini ku taagan tahay ayaa ay i tidhi Hantida goormaa la intifaacsadaa goormaa laga taajiraa xoolahaaga soo goorta aad adeegayaal kuu tabca haysatid maaha anigu ma haysto adeegayaal cid walba oo ii adeegi lahayd waxa ay dooratay in ay tuugsato intii ay wax tabcan lahaayeen.

⁶Haddana waxa aan arkay ayadii oo tafaha dhiig ku leh dhinac maro cadi ugu xirantahay dhinaca kalana qori mindi iyo bumbooyin ugu xiran yihiin aniga oo fahmi la' ujeedkeeda ayaa aan idhi Maandeeqeey haddana maxaa ku helay maxaa ay ka turjumaysaa marada cadi muxuuse ka turjumayaa dhiigani waa maxayse hubkaani?! ayada oo dhibsanaysa in ay jawaab isiiso ayay tidhi dhankaygii midig iyo dhinicii bidix baan kala celin waayay gacantayda midigi waxa ay rabtaa in ay jarto gacanta bidix, gacanta bidixna waxa ay u dhaarsantahay goyna tan midig, wax aan sameeyo marka aan aqoon waayay ayaa aan soo qaaday maradaan cad si aan nabad u iclaamiyo hubkana waxa aan u wataa si haddii nabaddu hirgali waydo aan u difaaco dhinaca hubka wada, waxa aan ku jiraa xaalad dhimasho ah miyay jirtaa hab loo kala celin karo jidh hal naf ahi ka dhaxayso balse doonaya in uu is dilo isagii.

Anoo ka murgooday xaalada maandeeq ayaan idhi Maandeeqeey aniga wax wado ah oo aan kugu caawin karo ma garan karo sidaada oo kale ayaa aan qaawanahay waxa aan ku dhex dhunsanahay jidhkaaga isdilaya dhankii aan ku biiri lahaa, baahida waan kula qabaa oo waxa aan ku boholyoobay dhul aan dhulkaygii ahayn, habeen walba waxa aan gam'aa aniga oo adiga niyadda kugu haya subixii marka aan soo kacana waxa aan is arkaa aniga oo aaminsan in jidhka xubin walbaa gaarkeeda u noolaan karto galabkii marka la gaarana waxa aan naftayda ugu caqli celiyaa Faadumooy waxa aad ku fakartay ma ahan wax dunida ka hirgali kara. markaa iga raali noqo aniga oo og dhibtaada ayaana haddana waxba ka qaban karin, balse waxa aan kuugu dhaaranayaa in aan gudbin doono xaqiiqadaada in inta aan noolahay noloshayda oo dhan aan ku bixinayo in aan sheekooyinkaaga murugta leh gudbiyo haddii baaqaygu dadka gaaro oo ay garowsadaan dhimashada aad qarkeeda saarantahay waa aad guulaysanaysaa oo badbaado ayaad helaysa haddiise ay iska indho tiraan sidii ay awalba iskaga indho tiri jireen wax walba oo adiga kugu saabsan markaas adiguna waa aad dhimanaysaa anna waxba kaa dayn mayo oo gaajada iyo magac xumada ayaa isoo ridanaysa ee sii adkayso inta jawaabta baaqaagu soo noqonayso.

Dadka aan sarbeebta sida fiican u fahmin haddii aan u sharraxo qoraalka;

Qeybta koowaad waa xaaladda hadda soomalia ay ku jirto waxa ay tagaan tahay marxalad ama dhimasho ah ama ay badbaadi doonto haddii ilaahay usoo diro cid diyaar u ah in ay badbaadiso.

Qeybta labaad waa sida annaga oo sharaf iyo karaamo leh haddana aan uga dooranahay in aan tilmaan ka dhiganno in beesha caalamku korka naga eegato nalaku shaabadeeyo dhulkii gaajada argagixisada saas oo ay tahay dadkeenu ayba waxaas shaqo ku lahayn ee ay qabiil qabiil isku dilayaan.

Qeybta saddexaad waa sida maanta dalkeennu ugu qeybsan yahay intaas oo maamul qabiil kastaana u qabo in uu isagu sidiisa u noolaan karo ayada oo taasi ay tahay hoosiis aan nafteena ku khiyaamaynno.

Qeybta 4aad waa sida wadankeenii loogu sameeyay boqolka calan mid walbaana uu u haysto in calankaasi uu yahay kan isaga matala la iskana illoobay kii buluugga ahaa ee dhamaan soomalida midaynayay.

Qeybta 5aad waa ay iska caddahay oo waa sida annaga oo kheyraad bad iyo birri iyo macdanba haysanna aan haddana uga sugayno beesha caalamka bariis iyo boorash dhacay, in naloo tuugsado carabtu nagu sadaqaysato timir ka baxday dhulka saxaraha annaga oo beeran karna khudaar nooc walba oo ay leedahay.

Qeybta 6aad waa sida aan u nahay hal dad hal naf ahi midayso haddana aan isugu haysanno in aan cadow isu nahay qabiilka iyo qabyaaladdu heer ay naga gaartay waxa aan maraynaa in qabiil walba iyo jifiyihiisii hoose ay is dilaan ayaga oo cadow is moodaya.

Qeybta ugu dambaysaana waa xaaladda qof walba oo soomaali ah ka xun meesha aan taagannahay uu ku noolyahay naftiisana uu kula jiro dagaal ah ma qadiyadaada soomaalinimo ayaa aad ku adkaataa mise waxa aad la mid noqotaa ummadda kale oo wadada ay doorteen baad adiguna la qaaddaa.



W/Q: Fatma Mehmut Alimaad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...