War Deg Deg Ah:-Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Iyo Sababta Loo Haystoa

0
Thursday May 09, 2019 - 23:27:40 in News by
  • Visits: 8019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Iyo Sababta Loo Haystoa

    Xildhibaan Dhakool Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Sool Ayaa Loo Haystaa Arimo Uu ka Sheegay Xuska 18-ka May

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Dhakool Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Sool Ayaa Loo Haystaa Arimo Uu ka Sheegay Xuska 18-ka May


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa xabsiga dhigtay xildhibaan Dhakool oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada somaliland.

Image may contain: 1 person, eyeglasses, hat and beard


Warar rasmi ah oo Hadhwanaagnews soo gaadhay ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay qabteen xildhibaan Dhakool oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda gobolka Sool.


Wararka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in xildhibaan Dhakool hada ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa isla markaana la qorshaynayo in saacadaha soo socda loo gudbiyo xarunta dambi baadhista.


Xadhiga Xildhibaan Dhakool ayaa imanaya iyada oo aan laga qaadin xasaanadii uu lahaa.


Sababaha ugu waa weyn ee loo aanaynayo xadhiga xildhibaan Dhakool ayaa ah hadalo uu dhawaan sheegay oo ku saabsan xuska maalinta 18-ka May ee loo sameeyo dib ula soo noqoshadii madax banaanida somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inaanay ahayn maalin qaran balse u gaar ah ururka SNM.


Ka dib xadhiga xildhibaan Dhakool, waxa la dhawrayaa talaabada xigta ee ay xukuumadu qaado.

Wixii Warar Ah Ee Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...