Muuse Biixi muxuu Jaamac-Yare ku maagay? WQ Maxamed Kaahin

0
Wednesday May 19, 2021 - 14:24:32 in Articles by
  • Visits: 2649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi muxuu Jaamac-Yare ku maagay? WQ Maxamed Kaahin

    Muuse Biixi muxuu Jaamac-Yare ku maagay? WQ Maxamed Kaahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi muxuu Jaamac-Yare ku maagay? WQ Maxamed Kaahin


Labo bilood ka hor Muuse Biixi waa kii iska qafaashay Kornayl Jaamac-Doolaal. Dad badan oo Muuse-aqoon ahaa waxa ay dhacdadaas ku sababeeyeen cadho ka kacday qaabkii uu Doolaal uga sheekeeyey sooyaalkii SNM. Bilo ka hor qafaalashadiisa wareysi uu bixiyey waxa uu ku taabtay in hawlgalladii Millatari ee SNM ay beelaha Isaaqu ku kala badnaayeen. 1983 oo niman Habar Yoonis iyo Habar Jeclo ahaa -Doolaal na ka mid ahaa- ay jeelka Mandheera jabsadeen. Mar kale 1983 oo dhawr iyo toban nin oo beesha Habar Jeclo u badnaa ay Cabdillaahi Askar oo beesha Sacad Muuse ahaa miiska saraakiisha ee Hargeysa kala baxeen. Afduubkii diyaaraddii Somali Airline oo ka mid ahaa wacdarihii Isaaqu dhigay qarnigii tegay oo labo nin oo Habar Jeclo iyo Habar Yoonis ahaa ay afduubteen 1984. Burco-Duurrey oo 1984 Lixle iyo saraakiil badan oo kale ku shahiideen.


 Gudagalkii Burco ee May 1988. Dhacdooyinkaas baa ugu muhiimsanaa kuwii uu Doolaal dul-is-taagay. Waxa uu si gaar ah u xusay Beesha Muuse Cabdalle ee Habar Yoonis oo Mujaahidkii Lixle ka dhashay. "Halganka waa la kala badsaday oo reer Bari baa badsaday" buu carrabka ku adkeeyey. Dhanka kale, waxa uu weyddiimo halxidhaale ah dul dhigay ciidankii Hargeysa galay 31 May 1988; sababta uu uga hadhay ciidankii Burco galay 27 May iyo ciddii hoggaaminaysay.

Mahwigii xalay waxa uu Muuse ka aflagaaddeeyey Genaral Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-Yare). Haddii uu u maahmaahayey odayaasha reer Somaliland ee siyaasadda Xamar ku duqoobay Cabdi Xaashi buu ku halqabsan lahaa. Maba uu xasuusan lahayn Jaamac-Yare oo aan Soomaaliya xil ka hayn, siyaasadna aan hadda ku jirin. Waanuu se u dan lahayn. Muxuu odayga ku cunay haddaa? Shaki la'aan sidii sooyaalwerintii Doolaal uu uga hinaasay si ka xun waxa uu uga qarracmay qaar ka mid ah xogaha uu Jaamac ku soo gudbiyey buuggiisa Taariikhda Soomaalida, si gaar ah middan hoose:

"Sida taariikhda laga ogyahay cid kasta oo ku caanbaxday halgan waddaninnimo, nafhurid ama heer kaleba ha ahaatee dadka reer Somaliland waxay badanaa ka soo dhex bixi jireen beelaha Habar Yoonis iyo Habar Jeclo".
Wuxuba waa intaas!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...