SIYAASADA... Aarka Iyo Ta Soomaalidu Isu Ekaa!
W/Q: Axmed-Assad M. Awaare
Qur'aanku mar wuxuu si caam ah ula hadlayaa dadka oo dhan, marna wuxuu
si gaar ah ula hadlayaa indheer-garadka (uulil-albaab, mufakeriin iwm)
oo keliya!
Haddaba, siyaasada Soomaalida markeeda horaba 'uulil-albaakeena'
badankoodu ma u shaqo tagaan, mise mihnado kale uun bay shaqo ka
raadsadaan? Markaa maxsuul noocee ah baynu sugeynaa inuu inoo soo baxo!
Weli ma u fiirsatay xukunka aarka libaaxa ee aynu aadka u faaninaa
meesha uu ku dhamaaddo? Waxaa hawsha fulinta ugaadhsiga iyo quudinta
raxanta u qaabilsan goosha ama baran-barqada (hooyada), halka aarku u
qaabilsan yahay hogaaminta difaaca raxantiisa.
Haddaba, aarku isagoo saldanadiisa ilaashanaya ayuu cabudhin, kaligii
talisnimo, kibir, isla-weyni, muquunin iyo kaa-adki ku madax-jebiyaa
goosha, ba'nanka, aalada ilaa caggo-baruurka oo ugu yar raxantiisa!
Laakiin, markay wiilashiisu qaan-gaadhaan ee uu isna gaboobo ayay xoog
kaga eryaan raxanta, waaba haduu nolol cagihiisa kula baxsado. Ugu
dambaytana, maadaama aanu lahayn awood uu ku ugaadhsado wuxuu keligii
macaluul ugu bakhtiyaa cidla ciirsi la' ama waxaaba bakhti-wareema
dugaagii yaryaraa ee uu hore nolosha ugu ciilay!
Taa bedelkeeda, weli lama arkin, lamana maqalin shinni ay boqoradeedu
macaluul u bakhtiday, waana sababta Illaahay swt uu tusaalaha
hogaaminteeda fiican darteed uu suuratul An-Naxal [aayadaha 68-69]
inoogu sheegay inay tilmaan-cad iyo tusaale wanaagsan oo ku dayasho
mudan u tahay dadka indheer-garadka ah!
Miyaad maqashay boqorad shinniyeed raaciyadeeda guul-guulaysa ama mid
jaban iyo mid jiisa ku hogaaminaysa! MAYA! Taasi waa aragtida AARKA iyo
siyaasiga-madhan ee wax kale oo uu la gole-yimaado waayay!
Soomaalida & Carabtaba (Turkiga, Maleeshiya, Indoniisya iwm kuma
jiraan) waxaa looga dheereeyay dabakhaadii diintooda oo iminka
reer-galbeedkii baa u dhaqmaya sidii shinidii inagiina waxaynu weli u
dhaqmaynaa sidii aarkii! Maanta hogaamiye reer-galbeed ah oo xidhaya ama
miinshaaraya qof mucaaradkiisa ah ma jiraa? Waa maya, xitaa lagama
yaabo, waayo waxay ka gudbeen dhaqankii Aarka!
Siyaasada waa inay indheer-garadku u wada falkiyaan sidii dermo
sibaaqyo kala duwan leh oo kale, amase sidii kebed weyn oo laga rabbo
inay wada tidcaan dad badan oo wada doonaya inuu wax-soosaarkaadu noqdo
mid abyan, qurxoon, oo raandhiis, dhaacasho iyo ku dayasho mudan!
Mufakeriinta Soomaalidu waa inay ku dhiiradaan toosinta siyaasada,
waayo raacashada danaha gaarka ah kaliya midhaheeda horeynu u soo wada
dhadhaminay!
W/Q: Axmed-Assad M. Awaare
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...