Nuxurka Heshiisyo Ay Kala Saxeexdeen Dawladaha Soomaaliya Iyo Talyaaniga

0
Thursday May 09, 2019 - 22:12:06 in News by
  • Visits: 1695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Heshiisyo Ay Kala Saxeexdeen Dawladaha Soomaaliya Iyo Talyaaniga

    Nuxurka Heshiisyo Ay Kala Saxeexdeen Dawladaha Soomaaliya Iyo Talyaaniga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Heshiisyo Ay Kala Saxeexdeen Dawladaha Soomaaliya Iyo Talyaaniga


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya iyo dalka Talyaaniga ayaa shaaciyey laba heshiis oo ay kala saxeexdeen.




Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada dawlada federaalka ah ee soomaaliya Xildhibaan Saadiq Warfaa iyo safiirka talyaaniga ee soomaaliya Carlo Campanille ayaa ayaa soo bandhigay laba heshiis oo ay ku kala saxeexdeen magaalada Muqdisho.


Labadan heshiis ee ay galeen soomaaliya iyo talyaanigu ayaa la xidhiidha qorshe lagu horumarinayo shaqaalaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya isla markaana shaqo abuur loogu samaynayo qoysas gaadhaya 1000.


Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada soomaaliya Saadiq Warfaa ooo ka hadlaya heshiisyada ay soomaaliya la saxeexatay talyaaniga ayaa waxa uu yidhi " Maanta waxaan kala saxeexanay dawlada talyaaniga heshiis ku saabsan inay nagu caawiso lacag gaadhaysa 2 milyan oo Euro, lacagtaas oo lagu meelayn doono qoysas gaadhay a1000,kuwaas oo aanu hawlahooda ka bilaabi doono magaalada Muqdisho ka dibna aanu gaadhsiin doono dalka oo dhan.”


Sidoo kale wasiirka Saadiq oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay heshiis kale oo ay dawlada talyaaniga la galeen waxaanu yidhi " Heshiis ay ku baxayso 750,000 Euro oo loogu tala galay in kor loogu qaado xirfadaha shaqaalaha rayidka ah ayaanu la gaadhnay dawlada Talyaaniga, Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ka go'an inay la shaqeyso dowladaha deeqaha bixiya sida ay noo garab-taaganyihiin ,waxaana ku dadaalli doonaa dadka nugul sidii loo caawin lahaa si ay fursado u helaan dabaqadda faqrigana kor uga kacaan - arrintaa oo annaga aad muhiim inoogu ah".


Dhinaca kale safiirka dalka talyaaniga u fadhiya soomaaliya Carlo Campanille oo ka hadlay heshiiska uu la saxeexday wasiirka shaqada soomaaliya ayaa sheegay inay dawladiisu ku dedaalayso inay la shaqayso dhigeeda soomaaliya isla markaana door uga qaadan lahayn barnaamijyada lagu horumarinayo bulshada.

Loading...
Loading...