TAXANAHA CAAFIMAADKA

0
Monday May 17, 2021 - 13:17:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAXANAHA CAAFIMAADKA

    Cun kalluunka si maalinle ah hadiiba aad heli karto sababtoo kaluunku waxaa ku jirta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cun kalluunka si maalinle ah hadiiba aad heli karto sababtoo kaluunku waxaa ku jirta


May be an image of 3 people, food, indoor and text


1. Ka ilaali caruurta kafeega iyo shaaha caleenta badan. Kafeega iyo shaaha caleentu ku badan tahay uma wanaagsana koriinshaha caruurta waxay dheefshiidka iyo maskxda caruurta ku reebaan saamayn daba dheeraata. Sidaa darteed xaddiga caleenta ku jirta shaaha caruurta wa in uu ka duwan yahay shaaha dadka waawayni cabo

2. Sii caruurta digir sababtoo digirta waxaa ku jirta maadooyin muhiim u ah koriinshaha caruurta sida Protein, Iron, Fiber, Copper, Magnesium iyo Vitamin B. Digirtu sidoo kale waxay ka hortagtaa dhiig la'aanta iyo nafaqa darrida caruurta waxayna digirtu si gaar ah ugu fiican tahay socodka dheefshiidka gaar ahaan marka iyada oo diiran la siiyo caruurta

3. Ku dhiiragali caruurta cunista khudaarta gaar ahaan Koostada, Bagalka iyo Ansalaatada sababtoo ah waxaa ku jirta Vitamins kala duwan iyo maadooyin muhiim u ah koriinshaha lafaha caruurta sida Calcium, koriinshaha lafaha caruurta muhiiad gaar ah ayay calcium-tu u leedahay cuduro badan oo lafaha ah ayayna caruurta ka difaacdaa

4. Cun kalluunka si maalinle ah hadiiba aad heli karto sababtoo kaluunku waxaa ku jirta maadooyin muhiim u ah maskaxda qofka. Sidoo kale kaluunku wuxuu soo celiyaa xusuusta qofka, wuxuu kor u qaadaa awooda dhiiga gaar ahaan gogosha wuxuuna kaluunku ka hortag u yahay Malaariyada

5. Ka jooji caruurta qaylada sababtoo ku qaylinta caruurta waa mid ka mid ah waxyaabaha keena in koriinshaha caruurtu daaho, caruurta cunugba cunuga uu ka farxad badan yahay wuu ka koriinsha fiican yahay sida cunugu jirkiisa ugu baahan yahay nafaqo ayay maskaxdiisu ugu baahan tahay farxad iyo dhiiragalin, maskax caafimaad qaba ayaa jir caafimaad qabta soo saarta


Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay.

Waahinsabriye

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...