QISSO JACAYL Q1AAD!
ula leexday Isgoyska Howl-Wadaag, waxaan fooda sii saaray dhinaca Sayidka,



















In cabbaar ah hadii aan dhacadiid uu jiifay, oo aan hurdo ku sari waayay, ayaan mar qura soo hinqaday oo aan soo fariistay, aniga oo inta labada gacmood kor u taagay, tobanka faroodna is
dhaafiyay oranaya "aaa..aaa”, kadibna qoorta jucsanaya. Waxaa I haya caajis baas oo aan garaneyn halka uu igaga yimid, waxaanse u qaatay in dhafarkii habeenkaas aan ka qaaday cayaar ka mid ahayd horyaalka England oo aan daawaday, ay hurdo la’aanta iyo caajiskaba iigu wacneyd.
Goor sheegtada ayaan eegay mise..waaba 3:15 daqiiqo. "waqtigu socod gaabanaaa” baan inta anoo ciishoonaya iri dib sariirtii isugu tuuray. Intaa kadib waxaa ii xigay cod I dhahaya "Xamza…ka kac Maama, saaka hordada waad ku daahdayee”. markaas baa anoo sacabka isaga celinaya falaaraha arooryaad, soo kacay mise waa Hooyadey Maryan.
Hooyo baa igu tiri "beri waxaa baxaya Asad ee aroor hore i kici soomaadan i oran hooyo..oradee kac”. "waayahay Maama” baan inta iri haf ka soo dhahay sariirtii, hadaan saacadda eegay waaba 6:15 daqiiqo, 15 daqiiqo unbaaba ka hartay xiligii 6:30 oo an ku balan sanaa inaan Asad u raaco garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee Muqdisho, oo uu maalinkaasi ka dhoofayay.
Aniga oo aad u deg degaya baan gaarigeygii Mercedes-ka ahaa dalaq ku soo dhahay, oo aan guriga ka soo baxay, waxaana aniga oo Xawaare ku socda isku soo dhigay wadada dheer ee Wadnaha, kadibna dhinac bidix ula leexday Isgoyska Howl-Wadaag, waxaan fooda sii saaray dhinaca Sayidka, dabadeedna midig isula dhigay wada Maka Al-Muakarama, aniga oo ku sii wajahan xaafadda Taree Biyaano oo Asad uu ku noolaa.
Markii aan la leexday jid cadaha laga galo xaafadii baa mar qura indhaheyga qabteen qof wadada bartankeeda taagan, mise waaba gabar, waxa ay ahayd qof aan dareemayo inay duruuf daashatay, balse qurux dabiici ah Ilaaah ku maneestay, hadii ay hesho qof dayac tir ku sameeya, micnaha (dhaqaaleeya), waxa ay lahayd midab biyaha dahabka sidooda ah, joog bay lahayd, jirkeedu dhexda buu u yaraa dhinacyada kore iyo hoosena u yara weynaa si qiyaasan, waxaan ka samri waayay bushimo aad u qurxoon oo aan dareemay… waxaa aad cajiib u ahaa indhaheeda buurbuuran iyo suniyaasheeda bil dhalatay oo kale u qurnaaa.
Markii aan in cabaar ah saa u daawanayay baan bilaabay inaan hoonka ku yeeriyo, mise maba dhaqaaqdo, hadana dhowr mar yeeriyay, ha sheegin nuuxsi ma laha. markaas baan inta gaarigii ka degay qeylo dhegaha kaga shubay, anoo ornayaa; "adiga ma wadada baad iibsatay maxaad la dhex taagan tahay”, jawaab baan filayee aamusnaan bay iigu kaalmeysay. Mar labaad baan qeyliyay, anoo wejiga gacanta farahayga uga riixaya, misna dhahaya; ‘oo maxaad noo quursaneysaa, maad nala hadashid oo wadada ka leexatid”. Balse jawaabteedii aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura ka soo dareeray. Naxdin anigii…
socota…..
W/q abdi fitah Mohamed Aza
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...