Ujeedada Mudaharaad Ka Dhacay Maanta Muqdisho

0
Sunday May 16, 2021 - 12:42:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Mudaharaad Ka Dhacay Maanta Muqdisho

    "Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan"

Muqdisho (HWN) Boqolaal shacab ah ayaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaana taalada Dahjirka Dahsoon ka dhigay mudaharaad ka dhan ah Dawlada Somaliya.




Mudaharaadkanoo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho ayay dadkani kaga cabanayaan caruur dawlada Somaliya uqaaday wadanka erateriya oo la sheegay in loo soo tababarayay Askarinimo.


Dadka dhigayey dibad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ku qeylinayey arayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka, iyaga oo shaaciyey in caruurta ay la’yihiin nolol & geeri.


Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, si dalkooda dib loogu soo celiyo caruurtaasi.


Waalidiinta oo wejiyadooda ay muuqaatay murug aad u xoogan ayaa sheegay inay ka waalacsan yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtooda oo muddo badan ka maqan.


Si kastaba cabashada waalidiintan ayaa bilihii u dambeysay isa soo tareysay, kadib markii la sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyey Ereteriya ay ka qeyb-galeen dagaalladii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaaan gobolka Tigray ee waqooyiga wadankaasi.

Loading...
Loading...