Xaaska Bill Gates Oo Arrin La Yaab Leh Samaysay Furiinka Kaddib

0
Sunday May 16, 2021 - 09:33:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaska Bill Gates Oo Arrin La Yaab Leh Samaysay Furiinka Kaddib

    "Jasiiradda oo 80-hektar ah, ayaa waxa ku yaala 25 "qol oo qurux badan iyo gurya kale,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jasiiradda oo 80-hektar ah, ayaa waxa ku yaala 25 "qol oo qurux badan iyo gurya kale,"

Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda ayaa horaantii bishaan shaaciyay in ay soo afjarayaan guurkooda, kadib markii ay wada joogeen muddo 27 sano ah. Waxa ay sheegeen in "aanay u muuqan inay ka lammaane ahaan horumarkooda ka shaqeyn karaan".




Xaaska Bill Gates Melinda, ayaa la sheegay in jasiirad gaar ah ay kiraysatay si ay uga fogaato warbaahinta oo aad u tebinaysay wararka ku saabsan furiinka lamaanahan, sida uu sheegay telefishinka Fox News.


Jasiiradda oo lagu magacaabo Calivigny, ayaa la sheegay in halkii habeen ay ku baxayso lacag gaaraysa $132,000 oo doollarka Maraykanka ah, sida lagu sheegay wargayska NEW YORK POST.

Waxaa jasiiradda Melinda ku wehliyay carruurteeda iyo qoysaskooda.


Jasiiradda oo 80-hektar ah, ayaa waxa ku yaala 25 "qol oo qurux badan iyo gurya kale," waxaana sidoo kale shan daqiiqo lagu gaarayaa doon jasiiradda weyn ee Grenada.


"Kadib dedaal dheer oo ku aaddan xiriirkeena, waxaan go'aansanay in aan kala tagno," ayay ku shaaciyeen baraha ay ku leeyihiin Twitter xilligii ay ku dhawaaqayeen furiinkooda.


Lammaanaha ayaa isbartay 1980-meeyadii xilligaas oo ay Melinda ku biirtay shirkadda Microsoft ee uu leeyahay Bill.


Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah, si wadajir ah ayayna u maamulaan hay'adda samafalka ee Bill & Melinda Gates oo ah tan ugu weyn caalamka


Sidee ayay isku barteen Lamaanahan?

Melinda ayaa sanadkii 1987 ku biirtay shirkadda Microsoft, waxaana ay isla sanadkaas Bill ku kulmeen xaflad casho oo ka dhacday New York.


Sidaa ayay ku billaabeen haasawahooda, sida uu Bill Gates u sheegay barnaamij ay ka diyaarisay shirkadda Netflix.


Melinda ayaa sheegtay in Bill uu inta ay wada socdeen u soo bandhigay "faa'iidada iyo dhibaatooyinka uu leeyahay guurka".


Waxa ay sanadkii 1994 ku aqal-galeen jasiiradda Lanai ee gobolka Hawaii, iyagoo sida la sheegay kireystay dhammaan diyaaradaha helicopter-ka ah ee deegaankaas si ay uga hortagaan in dad aysan casuumin ay dul maraan jasiiradda.


Maxay tahay hay'adda Gates Foundation?

Lammaanaha ayaa hay'adda Bill & Melinda Gates Foundation sanadkii 2000 ku asaasay magaalada Seattle


Waxa ay xoogga saartaa caafimaadka dadweynaha, waxbarashada iyo isbedalka cimilada

Dhaqaalaha ay bixiso waxaa kamid ah 1.75 bilyan oo dollar oo ay ugu deeqday tallaalka iyo cilmi-baarista xilligan uu jiro Covid-19


Hantida hay'adda ayaa sanadkii 2019 lagu qiyaasay 43 bilyan oo dollar


Muddo sanado ah, Bill iyo Melinda ayaa ku bixiyay hay'adda lacag ka badan 36 bilyan oo dollar

Bill Gates ayaa sanadkii hore iska casilay xilkii uu ka hayay Microsoft si uu xoogga u saaro hawlaha samafalka.


Xigasho: Wakaaladda Wararka ee Reuters


Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah, si wadajir ah ayayna u maamulaan hay'adda samafalka ee Bill & Melinda Gates oo ah tan ugu weyn caalamka.


Hay'adda ayaa balaayiin doollar ku bixisay la dagaallanka cudurrada iyo dhiiragelinta tallaalka carruurta.


Lammaanaha oo kaashanaya maalqabeenka kale ee Warren Buffett ayaa billaabay ololaha Giving Pledge, oo ugu baaqa dadka dhaqaalaha haysta inay maalkooda ku bixiyaan samafalka.


Bill Gates ayaa hadda ah ninka afaraad ee ugu taajirsan caalamka, waxaana uu haystaa 124 bilyan oo dollar, sida ay shaacisay majalladda Forbes.


Waxa uu dhaqaalaha ka sameeyay shirkadda uu wax ka asaasay ee Microsoft, oo ah tan ugu weyn ee samaysa barnaamijyada Software-ka ee ay ku shaqeeyaan kumbuyuuraatka caalamka oo dhan.


"27-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan korinay saddex canug oo aad u wanaagsan, waxaana samaynay hay'ad ka hawlgasha guud ahaan caalamka, dadkana u sahasha inay helaan noolal caafimaad iyo wax soo saar leh," ayay ku sheegeen war qoraal ah oo ay wadajir u soo saareen.


"Waxaan ka sii wada shaqeyn doonnaa hay'adda, balse nooma muuqata in aan lamaane ahaan horumarkeena ka sii shaqeyn karno wejiga xiga ee noolasheena", ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.


BBC

Loading...
Loading...