Muuse Biixi oo Qoonsaday Taageerada Dhaqaale Ee Ay Beesha Caalamku Siiso Somaliland

0
Saturday May 15, 2021 - 14:19:10 in News by
  • Visits: 4221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Qoonsaday Taageerada Dhaqaale Ee Ay Beesha Caalamku Siiso Somaliland

    Muuse Biixi oo Qoonsaday Taageerada Dhaqaale Ee Ay Beesha Caalamku Siiso Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi oo Qoonsaday Taageerada Dhaqaale Ee Ay Beesha Caalamku Siiso Somaliland


Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa fariin u diray shacabka Somaliland, isagoo ugu baaqay in ay ka dheeraadaan waxkasta oo tafaraaruq ku keenaya midnimadooda oo ay qabyaaladdu ugu horrayso.

Madaxweyne Biixi


Madaxweyne Biixi oo Salaaddii Ciidda kadib khudbad kooban jeediyay, ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isku tashadaan, hoosna u eegaan kuwooda itaalka daran.


Madaxweyne Biixi, ayaa khudbaddiisa ku muujiyay sida aanay Somaliland ahaan ku Qanacsanayn inay gacmaha hoorsadaan Beesha caalamka isla-markaana ay daciifnimo u arkaan in la caawiyo, maaddaama oo ay isku filaansho gaadhi karaan haddii la isku tashado, waxaanu Shacabka ku waaniyey in laga maarmo caawimo ka timaadda cid kale.


Hadalka Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu imanaya xilli aan la xallin oo aan xal laga gaadhin khilaaf soo kala dhex galay Somaliland iyo Qaramada Midoobay.


Khilaafkaasi, ayaana yimid ka dib markii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu Mashaariicda uu Somaliland ka fulin doono deegaannada Somaliland ku saleeyay qorshaha horumarinta 4-ta sanadood oo Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaarisay.


Loading...
Loading...