Subject: Ila Qosol ... Cabdullaahi Maxamed Cumar.
Nin baa beri la guursaday xaas wanaagsan oo uu qabey. Haweenaydii ayaa hinaastay (masayrtay) markii ay maqashay, in ninkeedii naag kale la guursadey. Markii ay in muddo ah, yaab iyo dhabanohays la aamusnaydna; waxa ku sii xumaaday hinaasihii!
Dabadeedna, xaaladdeedii ayaa maalin walba ka sii dartay oo waxayna gaadhey heer ay isla hadasho.
Odaygii oo arkay xaaladdeeda caafimaad iyo sida ay uga sii darayso, ayaa waaniyey oo isku dayey; in uu dajiyo! Markii ay cabbaar wada hadleenna wuxu ku yidhi, " Way hagaagi oo waxba inaga xumaan maayaane, orod oo soo weyseyso oo inta aad shaydaanka iska naartid; laba rakcadood tuko."
Wax yar kaddibna, inta ay gabadhii kacday; ayay soo weyseysatey - waxayna xidhatay salaaddii uu ninkeedu kula taliyey.
Haddaba, markii ay rakcaddii labaad maraysey, ayuu shaydaankii u sheekeeyey. Markaasay sarajooga ku ataxiyaadsatay. Ninkii oo maqlay ataxiyaadka ay taagnida ku akhriyayso, ayaa yidhi; " Sarajoogga lagu dhammaysaye, tolow maxaa lala fadhiisan?!!"
Inta ay waaleen, ayay waaninayaan!
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: [email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!