Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Deg Deg Ah Ku Gaadhay Wadanka Jabuuti

0
Friday May 14, 2021 - 19:56:25 in News by
  • Visits: 2021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Deg Deg Ah Ku Gaadhay Wadanka Jabuuti

    Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Deg Deg Ah Ku Gaadhay Wadanka Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Safar Deg Deg Ah Ku Gaadhay Wadanka Jabuuti

Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay dalka Jabuuti, markii ay soo cago-dhigteen madaarka Xunbuli ee caasimadda Jabuuti waxa ku sugayey kuna soo dhaweeyey Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ku qaabiley habmaamuska madaxweyneyaasha dalkaas socdaalka ku yimaadda.

Waxaanay weftiga Muuse Biixi  iyo Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay weheliyaan wasirro ka tirsan xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ay wakhti kooban ku wadda qaateen qolka madaxdu ku nasato ee madaarka, ka dibna madaxweynaha iyo waftigii la socday waxaa loo galbiyay qasriga ay hoggaamiyaasha dunida ka socdaa degaan oo ay ku sugan yihiin wakhtigan madax kala duwani oo ka soo qayb-galay caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaana safarka madaxweynaha iyo weftigiisa warbixin ka bixiyey, wasiir ku xigeenka ariimaha dibadda ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan.

May be an image of one or more people, people standing and outdoors

Loading...
Loading...