Xisbiyada Mucaaridku Ama Afeef Hore Ha Yeeshaan Ama Adkaysi Dambe !
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Marka hore waxa aan soo dhaweynayaa in is af garad iyo wada jir qaran
lagu waajaho doorashooyinka qaranka oo si bilaa xanaf ah oo xaliiban loo
tartamo haseyeeshee doorashada waxa galaya xisbiga xukuumada iyo laba
xisbi oo mucaarad ku tilmaaman !
Shalay waxa madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland ka qabsoomay shir uu
madaxweynuhu isugu yeedhay sadexda xisbi qaran, komishanka
doorashooyinka , gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud.
Shirkaasi waxa la inoo sheegay in wax la isla falanqeeyey laakiin waxa
aynu daawanay uun Madaxwaynaha oo warqad u akhriyaya iyo hadal kooban
oo la siiyey labada Gudoomiye xisbi ee Waddani iyo Ucid , waxa la
galayaana hadda waa doorasho e garo.
XISBIYADA MUCAARIDKU AMA AFEEF HORE HA YEESHAAN AMA ADKAYSI DAMBE !
Doorashooyinka dalka nidaam baa loo gali jirey daah furan oo dadka u
garnaqaya dadkana lagu wada kalsoon yahay qaabka ay ku yimaadeena uu
yahay mid daah furan oo dhamaan shuruuduhu u dhan yihiin , waxa lagu
wada shaqeyn jirey xeerar qoran iyo heshiis ay axsaabta iyo komishanku
galaan ( code of conduct ) mudada doorashadu socoto.
Doorashadii golaha wakiilada ee hore markii halkan oo kale la marayey
gudoomiyihii komishanka ee xiligaasi Axmed Xaji Cali Cadami iyo axsaabtu
waxa la sameeyey gudi adag oo la isla ogol yahay oo ka garnaqda waxii
doorashada khilaaf iyo muran ka yimaada gudidaasi waxa ay hoos tageysay
komishanka doorashooyinka qaranka , waxaa ay ka koobnaayeen 14 qof ;
Xeerbeegtida kor ka eegista iyo xalinta khilaafaadka ka soo baxa doorashada
1. Hassan Meygaag Samater
2. Dr. Aden Abokor Yusuf
3. Prof. Abdi Haybe Elmi
4. Aden Muse Jibriil
5. Yasin Ibrahim Magan
6. Hussein Ali Nour
7. Hassan Mohamed Jama
8. Rashid Sheikh Abdillahi
9. Abdillahi Haji Ahmed Qulunbe
10. Mohamed Omer Hussein Dhuux
11. Abdillahi Saeed Farah
12. Abdilkadir Ali Hassan
13. Saeed Ali Giir
14. Sacdiya Aw Musse Ahmed
Gudigani waxa farta laga saarey dhamaan xeerarkii iyo xeerkii anshaxa
qaabkii loo galayey kaambaynka doorashada si hadhow waxii khilaaf ah ay
iyagu u xaliyaan, waxii khilaaf ah ee ay xalin kari waayaana loogu
gudbiyo maxkamadaha dalka.
Imika waxa fadhiyey madashii shirkii shalay komishanka oo aynu ogeyn
khilaafkii iyo dhibtii la soo kala mutay oo ah in la yeelo sidii
madaxweynuhu rabay , waxa kale oo fadhiyey gudoomiyaha maxkamada sare
iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka jamhuuriyada Somaliland oo labaduba
uu madaxweynuhu magacaabay , haba magacaabo e arinka meesha yaalay aanu
aheyn mid maanta iyaga u yaaley.
Waxa uun ay u muuqataa in axsaabta kalsooni laga sii siinayey
hadhowtona waxii murug soo baxa iyagu markiiba soo faro galiyaan ,
arinkaasi oo ku xun dalka lagana yaabo in uu dhaawaco sumcada hay'adaha
qaranka ee ay ka socdaan oo ay u muuqdaan muraad qumiyayaal qof gaar ah
ama dhinac gaar ah .
Komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu sameeyey dayac weyn barigii
dhaweyd ee la kala xulayey murashaxiinta waxaana aanay shaqadoodii
siiyeen hay'ado dawladeed oo aan sharciga meelna kaga jirin waxaana ay
dhalisay foolxumooyin weyn iyo wax badan oo gef ahaa , sidoo kale waxaa
xiligaasi cabashooyin ka jireen oo loo arkay in xeer ilaalintu tahay mid
xukuumadu ku adeeganayso.
Markaa maanta ayey wax dhow yihiin intii hadhow dalka fowdo laga
abuuri lahaa waa in arinkaasi loo dhug yeeshaa, hadii xukuumadu doonto
in ay doorashada ku shubato ama xoog dawladnimo isticmaasho mucaaridoow
maxaa ku naf ah , miyaad qaylini uun waliba maanta xataa qayladiina
cidina idiinku damqan mayso sababta oo ah intaa dadka iyo dalkaba
kaliftaan ayuun baa sidii aad falan tihiin haddana madaxtooyada wax la
idiinka yeedhiyaa.
Dalka waxa dadweynaha jamhuuriyada Somaliland hore ugu dareereen todoba doorasho oo hore oo kala ahaa ;
31-May-2001 Aftidii dastuurka dalka
15-Dec-2002 Doorashadii goleyasha deegaanka iyo kala saaristii axsaabta iyo ururada siyaasadeed ee qaranka.
14-April-2003 doorashadii madaxtooyada
29-sept-2005 doorashadii golaha wakiilada
26-June-2010 doorashadii madaxtooyada
28-Nov-2012 doorashadii goleyaasha deegaanka iyo kala saaristii axsaabta iyo ururada siyaasadeed ee qaranka .
13-Nov-2017 doorashadii madaxtooyada ee ugu dambaysay.
Intaasi oo doorasho mid waliba xaalado u gaar ah iyo duruufo u gaar ah
ayey lahayd oo lagu xasuustaa , maantana ma rabno in la yidhaahdo
doorasho ayuun baa dhacday ee waxa aanu rabnaa doorasho xor iyo xalaal
ah oo nadiif ah dadkana aan kala dilin ee noqota mid wadanka sumcad u
soo hoysa.
Allahum ma balaqtum
Mohamed Abdi Jama
Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...