Hooyo Soomaaliyeed Oo 35 Kun Oo Doollar Ay Ka Gubatay

0
Wednesday May 12, 2021 - 08:45:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Soomaaliyeed Oo 35 Kun Oo Doollar Ay Ka Gubatay

    "God yar ayaan guriga ka qoday waxaana ku ridi jiray lacagaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"God yar ayaan guriga ka qoday waxaana ku ridi jiray lacagaha"

Siraad Jaamac Xeyd oo ka mid ah ganacsatada magaalada Burco ayaa la tacaalaysa xaalad dhaqaale oo aad u adag ka dib markii ay ka gubatay lacag dhan 35 kun oo dollar oo dhulka ay ku aastay.



Siraad ayaa sheegtay in lacagta ay godkaas ugu jirtay muddo 9 bilood ah, markii ay damacday in ay la soo baxdana ay aragtay iyadoo gubatay.


"God yar ayaan guriga ka qoday waxaana ku ridi jiray lacagaha oo ay ku lacago badan oo aan qaar ka soo Dahabshil iyo dad kale, muddo badan ayey halkaas ku jirtay ugu yaraan sagaal bilood. Kaloorad ayaan inta qufulay oo aan laba bacood hoosta ka geliyay ayaan ciid ku rogay." Ayey tiri Siraad.


Siraad oo ka hadlaysa sidii ay ku ogaatay in lacagteedii ay gubay ayaa tiri " daraad ayaan is iri bal shan boqol carruur u soo bixi , markaan shantii boqol sidaas u fiiriyay ayey inay yar oo aan dhalay waxay igu tiri hooyo meesha wax ayaa ka guuxaya, kaddib waxaan aragnay lacagtii oo isku xiran oo qayb ama dhinac ka gubatay, lacag walbana kala bar ayaa maqnaa ."


Siraad ayaa sidoo kale sheegtay inaysan horay u fahansanayn dhibaatada ka dhalan kartay ama khasaaraha ka soo gaari karay godka ay lacagta ku ridatay waxayna sheegay inay tan ahayd markii ugu horreysay ee ay lacag ku aaminto god ay gacanteeda ku qoday.


Dhanka kale Siraad oo ka jawaabaysa waxa ku kalifay inay god lacagteeda ku aaminto iyada oo awoodo inay bangiyada dhigato ayaa waxay tiri,"Ilaahay qadartiis, waxaa igu kalifay oo aan ku fakaray gurigaaga wax kuu yaala amay dhaanta lacag aad bangiga gaysid."


BBC

Loading...
Loading...