Ficiladii Maxamed Bin Salmaanka Sucuudigu Ku Bartilmaameedsado Saxaafada Oo Hargeysa Ka Socda.

0
Tuesday May 11, 2021 - 18:22:14 in News by
  • Visits: 1651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ficiladii Maxamed Bin Salmaanka Sucuudigu Ku Bartilmaameedsado Saxaafada Oo Hargeysa Ka Socda.

    Ficiladii Maxamed Bin Salmaanka Sucuudigu Ku Bartilmaameedsado Saxaafada Oo Hargeysa Ka Socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ficiladii Maxamed Bin Salmaanka Sucuudigu Ku Bartilmaameedsado Saxaafada Oo Hargeysa Ka Socda.


Hargeysa(HWN):-Xoghayaha cadaallada xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis ayaa ka hadlay dhaawaca ay suxufi Cabdiraxmaan Fantastic u gaysteen ciidanka uu horjoogaha u yahay Axmed Muuse Biixi.
May be an image of 1 person



xoghaye Yoonis Axmed Yoonis oo ka hadlaya ficilkii ka dhacay guriga massalaha ee magaalada Hargeysa ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi:-

Ficiladii Maxamed Bin Salmaanka sucudiga oo ka socda magaalada Hargeysa:

Waxa ayaan daro ah in maanta magaalada Hargeysa ay ka socdaan dhaqankii lagu yaqaanay Maxamed Bin Salmaan, ee ahaa in guryo loo kiraysto lagu dhibo oo lagu jidh dilo dadka shacabka ah, Waxa magaalada hargeysa ka jira dhawaaqa, dhiilada iyo dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo shacabka Somaliland ee lagu garaacayo guryo ay kiraysteen ciidan gaar ah oo aan la garanayn cid ay ka amar qaadanayaan, Ciidamada amaanka ee kala duwan ee Somaliland, hore looguma aqoon dhaqanka caynkan ah ee soo noq- noqonaaya , waase ayaan daro in maamulka maanta jira ee Muuse Biixi Madaxda ka yahay ay wadaan.

Madaxweyne miyaan la odhan Karin, wiilasha aad dhashay ee Maxamed Iyo Axmed, waxa ay la nooc yihiin Maxamed Bin Salmaan oo aabihii haysto dalka Sucuudi Arabiya oo dhibaato joogto ah ku haya shacabkiisa, madaxna ka ah ciidan gaar ah oo lagu sheegay Sirdoon.

Ilaa hada lama yaqaano tirada guryaha magaalada Hargeysa laga kiraystay ee shacabka lagu ciqaabo, inta hawshooda hoos loo dhameeyay inta jidh dil xoog leh loo gaystay.

Dhawaaqa dhiilada leh ee ka soo yeedhaya shacabka masaakiinta ah ee magaalada Hargeysa ee loo gaystay nabarada iyo jidh dilka xooga leh waxay calaamad u yihiin ficilada foosha xun ee ay wadaan wiilasha uu madaxweyne Muuse Biixi dhalay, kuwaas oo aan la ogayn awooda iyo masuuliyada ay qaranka u hayaan iyo sharciga u ogolaanaya in ay ciidan iyaga u gaar ah madax u noqdaan.

Sirdoonku Waa hay’ad sida ku cad Xeerka lagu aasaasay. Ma yeelan karaan meel dad lagu xidho. Shaqadoodu waa in xogta ay soo helaan ay u gudbiyaan cidda ay hadba khuseyso. Sirdoon ciidan ahi waa dhaqankii maxamed bin salmaanka sucugiga

 
 

Loading...
Loading...