Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Sida Qoyska Muuse Biixi Ugu Tunteen Sharcigii Hay'adda Sirdoonka

0
Tuesday May 11, 2021 - 18:08:24 in News by
  • Visits: 1716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Sida Qoyska Muuse Biixi Ugu Tunteen Sharcigii Hay'adda Sirdoonka

    Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Sida Qoyska Muuse Biixi Ugu Tunteen Sharcigii Hay'adda Sirdoonka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Soo Bandhigay Sida Qoyska Muuse Biixi Ugu Tunteen Sharcigii Hay'adda Sirdoonka


Hargeysa(HWH):-Xoghayaha arimaha bulshada xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa ka hadlay sida ay Muuse Biixi iyo qoyskiisu ugu tunteen xeerka ay ku aas aasan tahay hay'adda sirsoonka qaranku.
May be an image of 1 person, beard, eyeglasses and suit



xoghaye Dhamme ayaa qoraal luu soo saaray ku faah faahiyey  sida qoyska Muuse Biixi ugu tagri faleen awoodihii hay'adda sirdoonka, qoraalkiisa ayaana u dhignaa sidan:-

Maxaa riday dawladii Siyaad Barre ?

Xeerka ha’yadda sirdoonka qaranka Xeer Lr 59/2012 awood uma siinaayo xubnaha ha’yadda ka midka ah xabsiyo iyo xarumo ciqaabeed oo gaara, goobaha aan ahayn goobaha uu xalaaleeyay Xeer Lr 65/2014 waa sharci darro iyo gef qaran. Dhammaan dadka qafaalan ee guryaha lagu haystaa way afduuban yihiin waana gabood fal weyn oo aan la aqbali karin.

Baqo gelinta,argagax gelinta iyo sida loo bahdilaayo muwaadiniintu waxay abuuraysaa kalsoon darro iyo in laga aamin baxo laamaha amniga, waa in si degdega xukuumaddu uga jawaabtaa gabbood fallada soo noqnoqday ee ah dadka guryaha ay ku xidhaan xubnaha la sheegay in ay ka mid yihiin sirdoonka.

Xaafad kastaa ha hubiso guriga jaarka la ah in ay ku jiraan sirdoonka la sheegayaa, xabsiyada iyo saldhigyada sharciga ah meesha aan ahayni waa budhacdnimo hor leh, guryaha saldhigayada laga dhigayaana kama dhacaan aqallada magafayaasha Libiya, haddi la sii eegtana waxa bilaabmi doonta madax furasho!

Madaxweynuhu waa in aanu dhagaysan fadeexada soo noqnoqtay, dalka isagaa dastuuriyan hoggaamiya qoyskiisu waxay la siman yihiin qoysaska cabanaya ee lagu tacadiyaayo, muddo xileedku waa maalmo tirsan laakin sharafta iyo kalsoonida lagu wada noolyahay waa mid hadhaysa, cibro waa in ay u noqotaa hoggaamiyayashi awooda badnaa halka ubadkoodu mareen markay shacbkooda ciqaabeen !

Loading...
Loading...