Daawo Kenya oo hakisay duulimaadyadii ka dagi jiray Soomaaliya

0
Tuesday May 11, 2021 - 14:11:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Kenya oo hakisay duulimaadyadii ka dagi jiray Soomaaliya

    Tallaabadaan ay qaaday Kenya ayaa saamayn weyn ku keeni karta dhaq-dhaqaaqa dadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallaabadaan ay qaaday Kenya ayaa saamayn weyn ku keeni karta dhaq-dhaqaaqa dadka


HALKAAN GUJJI OO DAAWO 


Dowlada Kenya ayaa saakay hakisay dhammaan duulimaadyada diyaaradaha taga kana yimaada dalka Soomaaliya, marka laga reebo diyaararadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaarka.



 

Warbaahinta Kenya ayaa ku warrantay in dowladda joojisay duulimaadyada Soomaaliya, isla markaana waxaa saaka la hakiyey diyaarado dad shacab ah waday oo ku soo socday Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.


Tallaabadaan ay qaaday Kenya ayaa saamayn weyn ku keeni karta dhaq-dhaqaaqa dadka ee labada dal iyo diyaarado gudaha Soomaaliya ka shaqeeya oo ka diiwaangashan dalka Kenya.


 

Hay’adda duulimaadka Rayidka Soomaaliya ayaa maalin kahor sheegtay in aan la fasaxin Qaadka ka imaan jiray Kenya, kuna wargelisay dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay dalka.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay dowladda Kenya, kadib markii labada dal heshiis gaareen, kaasi oo ay ka shaqeysay dowladda Qatar.

Loading...
Loading...