Marinka Hormouz: Mareykanka oo gantaallo digniin ku riday doon ay Iran leedahay

0
Tuesday May 11, 2021 - 10:45:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marinka Hormouz: Mareykanka oo gantaallo digniin ku riday doon ay Iran leedahay

    Dhacdadan ayaa noqoneysaa tii labaad oo muddo laba toddobaad gudahood ah aagga marinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdadan ayaa noqoneysaa tii labaad oo muddo laba toddobaad gudahood ah aagga marinka



Pentagon ayaa sheegay in Markab ka mid ah kuwa ilaaliya badaha Mareykanka inuu gantaallo digniin ah uu ku riday doomo ay leedahay Iraan oo si aad ah ugu soo dhawaaday Markab kuwa dagaalka ah oo marayey marinka Hormouz.

 

Pentagon waxay sheegtay 13 doomood oo kuwa dheereeya ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan iney Isniintii maraakiibta dagaalka Mareykanka ay u soo jirsadeen 140 mitir.

 

Pentagon waxay intaa ku dartay doomihii ciidamada badda Iiraan iney goobti ka tageen kaddib marki 30 gantaal oo digniin ah lagu riday.

 

Dhacdadan ayaa noqoneysaa tii labaad oo muddo laba toddobaad gudahood ah aagga marinka Hormouz ka dhacda.

 

Afhayeenka Pentagon John Kirby doomaha Iran wuxuu ku eedeeyey iney daandaansi kula kaceen maraakiibtooda dagaalka ee marinka Hormouz marayey.

"Waa amni darro, waa mid xirfadda ka baxsan. Ficillada noocan ah dadka kale halis ayey u horseedi karaan, waxayna keeni kartaa xisaab si xun la isugu darsado oo gobolka dhibaato u horseedda taasoon cidna dan u ahayn."

 

Balse Iiran dhacdadan ugu dambeysay weli kama aysan hadal.

 

Laba doon oo kuwa dheereeya ah oo ay Iran leedahay ayaa aad ugu soo dhawaaday Markab dagaal uu mareykanka leeyahay oo marayey marinka Hormuz

XIGASHADA SAWIRKA,US NAVY

Qoraalka sawirka,

Pentagon oo maraakiibta iran ku eedeysay iney daandaasi ku hayaan

 

Marinka Hormouz, ayaa ah marin ciriiri ah oo ku yaalla gobolka waddamada khaliijka, waana mid ka mid ah marinka ugu muhiimsan ee ay maraakiibta dunida maraan.

 

Waana xuddunta xiisadaha sii kordhaya ee u dhaxeeya Iraan iyo dalalka reer galbeedka oo ay ka mid yihiin Mareykanka sanadihii la soo dhaafay.

 

Ciidamada badda Mareykanka waxay bishii hore sheegeen mid ka mid ah maraakiibtooda iney gantaallo digniin ah ku rideen doomo ay leeyihiin Iiraan oo si aad ah ugu soo dhawaaday Maraakiibtooda xilli ay marayeen waqooyiga badda Pacific.

 

Dhacdada Isniinti ayaa ku soo beegmeysa xilli ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu soo cusbooneysiinayo heshiiskii caalamiga ahaa si looga hortago Iiraan iney sameysato hubka niyuukilarka ah.

Mareykanka ayaa heshiiska Niyuukilarka ee caalamiga ahaa ka baxay 2015-kii xilli uu dalka Mareykanka uu madaxweyna ka ahaa madaxweynihi hore Donald Trump.

 

Iiraan dhankeeda waxay sheegtay iney tixgelineyso ku soo laabashada heshiiska haddii madaxweynaha Trump baddalay ee Joe Biden uu meesha ka saaro cunaqabateynada dhaqaale ee saaran Jamhuuriyadda Islaamiga.



bbc/somali

Loading...
Loading...