Wiilka Muuse Biixi Dhalay Oo Jabiyey Xeerarkii Ciidanka Sirdoonka Iyo Xabsiyo Uu Ka Samaystay Hargeysa

0
Monday May 10, 2021 - 16:29:51 in News by
  • Visits: 3464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wiilka Muuse Biixi Dhalay Oo Jabiyey Xeerarkii Ciidanka Sirdoonka Iyo Xabsiyo Uu Ka Samaystay Hargeysa

    Wiilka Muuse Biixi Dhalay Oo Jabiyey Xeerarkii Ciidanka Sirdoonka Iyo Xabsiyo Uu Ka Samaystay Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilka Muuse Biixi Dhalay Oo Jabiyey Xeerarkii Ciidanka Sirdoonka Iyo Xabsiyo Uu Ka Samaystay Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Wiilka Muuse Biixi dhalay ee dhawaan ka mid noqday ciidanka qaranka balse hada isku badalay ciidanka sirdoonka ayaa si badheedh ah u jabiyey xeerka ay ku shaqeeyaan ciidanka sirdoonku.


Axmed Muuse Biixi ayaa magaalada Hargeysa ka sameeyey guryo uu dadka ku xidho iyo ciidamo u gaar ah oo uu ku haysto.
Halyey Qaran - Afduub Qarsoonaa Oo Axmed Muuse Biixi Cabdi... | Facebook


garyaqaan Mubaarig Cabdi ayaa soo bandhigay waxyaabaha ka reeban ciidanka sirdoonka balse uu ku kacay wiilka madaxweynuhu dhalay ee ku shaqaysanaya awooda ciidankaasi.

garyaqaan Mubaarig Cabdi ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi "

Ha,yada sirdoonka somaliland xeerka lagu Aasaasay laba shay buu ka reebaya oo kala ah.

1)inaanay yeelan karin Goob dadka lagu xidho (Detention center)

2)inaanay cid xidhi karin,hadii ay dhacdana si degdeg ah ugu wareejiyaan laamaha sharci fulinta Booliska.
inta ogolkay ah labadaas ba way baal maraan cidina kulama xisaabtanto Ha,yadani waxay leedahay xarumo heer Gobol iyo tan Guud ee qaranka waxaan ugu baaqaya inay sharcigooga raacaan oo muwadiniinta ka dayaan tacadiyada ay ku hayaan .

Warbaahintana mid baan ka saxayaa jidh dilka sharcigu waxa uu uyaqaana Torture gaar ahaan Dastuurka iyo xeerka caalamiga ah ee mamnuuicida Noocyada jidh dilka (Convention against Torture CAT) Waxay ku qeexaan jidh dilku inuu yahay in qof jidh ahaan ama maskax ahaan loo gaadhsiiyo dhaawacyo xanuujiya oo uu qofku ku qirto dembi uu galay ama dhinac kale ku marag furo .

markaa waxa haboon in loo isticmaalo garaacis (beating) taasina waa tacadi iyo gef ay laamaha sharci fulintu kula kacaan dadka ay xidhaan, aad baan uga xumahay dhibta la gaadhsiiyay saxiibkay suxufi Fantastic

Loading...
Loading...