Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Qafaalashada Qoyska Muuse Biixi Ku Hayaan Shacabka

0
Monday May 10, 2021 - 15:29:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Qafaalashada Qoyska Muuse Biixi Ku Hayaan Shacabka

    "guryaha saldhigayada laga dhigayaana kama dhacaan aqallada magafayaasha Libiya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"guryaha saldhigayada laga dhigayaana kama dhacaan aqallada magafayaasha Libiya"

Hargeysa, (HWN)- Xeerka ha’yadda sirdoonka qaranka Xeer Lr 59/2012 awood uma siinaayo xubnaha ha’yadda ka midka ah xabsiyo iyo xarumo ciqaabeed oo gaara, goobaha aan ahayn goobaha uu xalaaleeyay Xeer Lr 65/2014 waa sharci darro iyo gef qaran. Dhammaan dadka qafaalan ee guryaha lagu haystaa way afduuban yihiin waana gabood fal weyn oo aan la aqbali karin.




Baqo gelinta,argagax gelinta iyo sida loo bahdilaayo muwaadiniintu waxay abuuraysaa kalsoon darro iyo in laga aamin baxo laamaha amniga, waa in si degdega xukuumaddu uga jawaabtaa gabbood fallada soo noqnoqday ee ah dadka guryaha ay ku xidhaan xubnaha la sheegay in ay ka mid yihiin sirdoonka.


Xaafad kastaa ha hubiso guriga jaarka la ah in ay ku jiraan sirdoonka la sheegayaa, xabsiyada iyo saldhigyada sharciga ah meesha aan ahayni waa budhacdnimo hor leh, guryaha saldhigayada laga dhigayaana kama dhacaan aqallada magafayaasha Libiya, haddi la sii eegtana waxa bilaabmi doonta madax furasho!


Madaxweynuhu waa in aanu dhagaysan fadeexada soo noqnoqtay, dalka isagaa dastuuriyan hoggaamiya qoyskiisu waxay la siman yihiin qoysaska cabanaya ee lagu tacadiyaayo, muddo xileedku waa maalmo tirsan laakin sharafta iyo kalsoonida lagu wada noolyahay waa mid hadhaysa, cibro waa in ay u noqotaa hoggaamiyayashi awooda badnaa halka ubadkoodu mareen markay shacbkooda ciqaabeen !


Qalinka: Maxamed Siddiiq Dhamme Oo Ka Tirsan WADDANI



 

Loading...
Loading...