Suxufi Ka Waramay Jidhdil Iyo Tacadiyo Kale Oo Ay U Gaysteen Ciidanka Uu Horjoogaha U Yahay Axmed Muuse Biixi

0
Monday May 10, 2021 - 15:27:02 in News by
  • Visits: 1983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufi Ka Waramay Jidhdil Iyo Tacadiyo Kale Oo Ay U Gaysteen Ciidanka Uu Horjoogaha U Yahay Axmed Muuse Biixi

    Suxufi Ka Waramay Jidhdil Iyo Tacadiyo Kale Oo Ay U Gaysteen Ciidanka Uu Horjoogaha U Yahay Axmed Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxufi Ka Waramay Jidhdil Iyo Tacadiyo Kale Oo Ay U Gaysteen Ciidanka Uu Horjoogaha U Yahay Axmed Muuse Biixi

Hargeysa(HWN):-Cabdiraxman Cabdillaahi Maxamuud (Fantastic), oo ah wariye ka hawl gala magaalada Hargaysa, ayaa koox loo malaynayo in ay yihiin sirdoon jidh dil u gaysteen kadib markii uu damcay in uu u gurmado gabadh ka barooranaysay guri ay jaar yihiin, xaafada Masalaha ee Hargaysa.
May be a closeup of one or more people



Wariyaha oo sawiro uu iska qaaday isaga oo dhawac ah ay baraha bulshada ku faafeen, ayaa HOL uga waramay sida ay dhawacyadu kusoo gaadheen.

"Habeenkii Sabtidu soo galaysay salaadi cishaayi kadib ayaan guriga imid. kadibna waxan maqlay gabadh ka barooranaysa guri aanu jaarnahay, kadibna waan daalanayoo waan iska jiibsaday” ayuu Fantastic u sheegay warbaahinta.

"Kadibna 12:00 habeenimo ayay baroortii dib u bilaabantay, xafadii ayaa isoo kicisay oo igu tidhi waar bal orod soo eeg gabadhan ooyaysa, marka waxanu maqlaynay rag gabadha u hanjabaya oo guriga gabadhu ka ooyayso ka hadlaya”.

"Kadib waxan soo qaatay bastoolad yar oo bilaa rasaas ah, waxanan wargaliyay nin aanu saxibnahay oo sarkaal ah, oo aan u sheegay dhacdada, markaan dibada usoo baxay ayaan la kulmay asgari millateri ah oo meesha maraya, kadibna waxan waydiistay inuu ila soo fiiriyo guriga ay gabadhu ka ooyayso” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wariye Fantastic ayaa sheegay in markii ay isaga iyo askarigii garaaceen albaabkii guriga ay gabadhu ka barooranaysay ay ka fureen niman hubaysan oo aan xidhnayn wax labis ciidan ah, kadibna ay jidh dileen isaga iyo askarigiiba.

"Markaanu albaabkii garaacnay ayay nagu yidhaahdeen "waa ayo” kadibna asgarigii baa ku yidhi "waa asgariye fura” kadibna intay dib u bexeen ayay qoryo soo qaateen, kadibna intay albaabkii fureen ayay na waydiiyeen waxa aanu doonayno”.

"Asgarigii baa ku yidhi "waa maxay gabadha meesha ka qaylinaysa” kadibna waxay ugu jawaabeen "meeshu waa xero ciidan oo waad soo weerarteen” intaa kadibna garaacis bay nagu bilaabeen iniga iyo askarigiiba”. Ayuu Fantastic HOL usheegay.

"Intay na garaaceen ayay inantii oo ooyaysa qol iskugu kaaya geeyeen, marka inantu dirac kaliya ayay xidhnayd, way timo qaawanayd, bilaa kabana way ahayd”.

"Kadibna mid iyaga kamida ayaa yidhi "waar maxabiista meel layskuguma geeyo” kadibna waa nalaga saaray inantii” ayuu hadalkiisa kusii daray.
Wariye Fantastic ayaa sheegay in sarkaal kii uu markii hore ku wargaliyay dhacdada uu lasoo hadlay kadibna uu telefon ka ugu dhiibay mid kamida nimankii haystay, intaa kadibna ay goobta yimadeen Axmed Muuse Biixi iyo rag kale oo sarakiil ah.

Fantastic ayaa intaa ku daray in Axmed Muuse Biixi uu raali galin kabixiyay jidhdilkii loo gaystay, sidaana lagu soo dayay, waxanu sheegay in aan wax faahfaahin ah laga siin waxa meesha ka socday.

Inkasta oo uu wariyuhu sheegay in raga jidh dilka u gaystay oo uu ku qiyaasay 6-7 nin aanu garanayn waxa ay yihiin, aya waxa ay ubadantahay in ay ahayen koox sirdoon ah oo danbi baadhis ku jirtay.
May be a closeup of Cabdiraxman Fantastic

Loading...
Loading...