Laascaanood :-Dadaalo la doonaayo in lagu illaaliyo Ammaanka magaaladda Ciidda darteed

0
Monday May 10, 2021 - 00:35:09 in News by A. Asbaro
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laascaanood :-Dadaalo la doonaayo in lagu illaaliyo Ammaanka magaaladda Ciidda darteed

    Laascaanood :-Dadaalo la doonaayo in lagu illaaliyo Ammaanka magaaladda Ciidda darteed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood :-Dadaalo la doonaayo in lagu illaaliyo Ammaanka magaaladda Ciidda darteed


Laascaanood(HWN):-Sida ka muuqata suuqyada magaalada Laascaanood oo habeenadii la soo dhaafay aan albaabada loo xidhin ayaa waxaa meelaha qaarkood laga soo sheegayaa falal budhcadnimo.

Guddiga Nabadgelyada gobolka oo arintaas shir ka yeeshay ayaa soo saaray qodobo dhawr ah oo lagula dagaalamayo falalkaas oo badanaa la sheego in ay ka danbeeyaan dhalinyaro aan macna weyn uga jeedin.



Qodobadan ayaa waxa ka mid ahaa in gebi ahaanba uu mamnuuc yahay sidashada hubka, sidoo kale lagu xukumi doono sadex bolood oo xadhig ah, waxa kale oo ugu muhiimsanaa gaadiidka aan sumada lahayn (Taarikada) iyo kuwa muraayadaha bacda madow ku dhejiya oo laga fiiqi doono.

Waxa kale oo ay Guddigu xuseen dadka qaata direyska kala duwan ee ciiddammada sida Tuutaha in sharciga la horgeyn doono. Waxa kale oo qoddobadan ku jira in Gaadiidka habeenkii camal la'aanta la wareega oo iyagana la sheegay in la qaban doono.

Talaabooyinkan ayaa waxa ay aad u yaraynayaa ayaa la filayaa falalka ay dhalinta suuqa ka ugaadhaa geystaan maalmaha kooban ee ciidaha loo diyaargaroobayo.
Loading...
Loading...