Mareykanka oo qabtay hub ay leeyihiin Ruushka iyo Shiinaha

0
Monday May 10, 2021 - 00:22:05 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo qabtay hub ay leeyihiin Ruushka iyo Shiinaha

    Markabka Shannaad ee Ciiddammada badda Mareykanka, oo fadhigiisu yahay Baxrayn, ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markabka Shannaad ee Ciiddammada badda Mareykanka, oo fadhigiisu yahay Baxrayn, ayaa sheegay


DUBAI(HWN):-Markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Mareykanka ayaa Axadda maanta ah sheegay in ay qabteen hub aad u fara badan oo sharci darro ah oo ay lahaayeen Ruushka iyo Shiinaha, kaasi oo saarnaa dooni aan sidan wax calan ah oo ku safraysay biyaha caalamiga ah ee Badda Waqooyiga Carabta.
Hubka la qabtay


Markabka Shannaad ee Ciiddammada badda Mareykanka, oo fadhigiisu yahay Baxrayn, ayaa sheegay in markabka USS Monterey uu qabtay doonta uuna ogaaday xamuulka saaran intii uu socdal howlgal laba cisho ah oo dhacay 6-dii iyo 7-dii bishan.

Hubkan ayaa ku jira gacanta Mareykanka, iyadoo uu baaritaan ku socdo halka laga leeyahay iyo goobta loogu tala galay in la geeyo, ayaa lagu yiri warbixinta ciidamada.

Qoraalka ayaan lagu xusin halka uu markabku ka yimid, laakiin waxaa lagu sheegay in kormeerayaasha joogtada ah ee ciidamada badda Mareykanka ee gobolka ay "carqaladeeyaan gaadiidka xamuulka sharci darrada ah ee inta badan maalgeliya argagixisada iyo howlaha sharci darrada ah”.
AFP/VOA-Somali

Loading...
Loading...