Cali Baqdaadi Oo Hudheelka Musuq Maasuqa Uu Ka Dhistay Xayeysiis U Dhexmariyey Dalxiise U Dhashay Ghana

0
Sunday May 09, 2021 - 18:09:11 in News by
  • Visits: 2335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Cali Baqdaadi Oo Hudheelka Musuq Maasuqa Uu Ka Dhistay Xayeysiis U Dhexmariyey Dalxiise U Dhashay Ghana

    Cali Baqdaadi Oo Hudheelka Musuq Maasuqa Uu Ka Dhistay Xayeysiis U Dhexmariyey Dalxiise U Dhashay Ghana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Baqdaadi Oo Hudheelka Musuq Maasuqa Uu Ka Dhistay Xayeysiis U Dhexmariyey Dalxiise U Dhashay Ghana


Hargeysa(HWN):-Wode Maya oo ah nin aad looga yaqaano baraha bulshada una dhashay wadanka Chana oo socdaalo ku soo maray wadamo badan oo ka tirsan qaarada Afrika ayaa dhawaan soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
No description available.



Dal mareenka Wode Maya oo socdaal ku soo maray magaalooyin badan oo somaliland ka tirsan ayaa mudadii uu joogay Hargeysa waxa gacanta ku dhigay gudoomiyaha Baanka oo aanu ninkan reer Ghana war ka hayn musuq maasuqa dul hoganaya iyo dembiyada culus ee uu hore u gaystay.
Cali Baqdaadi ayaa Hotel uu ka dhistay musuqa lala xidhiidhinayo waxa uu dajiyey dalmareenkan reer Ghana si uu xayeysiis ugu noqdo, isaga oo ninkan reer Ghana sheegay inaan wax kharashaad ah laga qaadin mudadii uu deganaa Hotelka Cali Baqdaadi.

Muwaadinkan u dhashay dalka Ghana ayaa dabinka Cali Baqdaadi ku dhacay isaga oo aan ka war hayn musuq maasuqa lala xidhiidhinayo in fooqyada Hotel-ka White Horse lagu dhisay iyo in dhismayaashaasha fooqyadaasi ay sababeen in Cali Baqdaadi uu ku xidh xidho dad badan oo iskugu jira weriyayaal iyo shacab ka dib markii ay ka hadleen musuqa uu ku dhistay guryahaas.

Ninkan dal mareenka ah ee u dhashay wadanka Ghana sidoo kale waxa aanu ka war heyn in Cali Baqdaadi uu geystay dembiyo kale oo waa weyn kuwaas oo gaadhsiisan heer dil oo uu ka fuliyey wadanka Ciraaq sida uu sheegay Suldaan Dubad oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland.
Sidoo kale magaca uu u bixiyey Hotel-kiisa uu ka sameeyey fooqyadii musuq maasuqa la xidhiidhiyey ayaa ah mid uu ka soo xaday Hotel ku yaala wadanka Canada, White Horse Hotel ayaa ah mid si weyn looga yaqaano dalkaasi, gudoomiyaha baanka ayaa ku xad gudbay xuquuqda lahaanshaha gaarka ah(trade mark).

 
Waxaana haatan laga bilaabay dalka Canada oo Cali Baqdadi uu heysto dhalashadiisa dacwado Hotelka magaciisa la xiriira oo Toronto laga bilaabay.

Dal mareenka reer Ghana Wode Maya ayaa mudadii uu ku sugnaa hotel-ka Cali Baqdaadi waxa uu muuqaalo uu duubay looga faa,iidaystay xayeysiisyo sharci daro ah oo loo sameeyey hotel-ka White Horse Hotel.

Waxaana suurtogal ah in dacwadaha White horse ay saameeyaan Wode Maya, dacwadahaas oo sidoo kale xadidi kara socdaaladiisa uu qaaraa iga goosho ee uu caanka ku yahay.

 
Dadka u ololeeya kor uqaadida qadiyada Somaliland oo kolkii hore aad u soo dhaweeyay socdaalka Mr. Wode Maya ayaa aad uga niyad jabay xiriirka Cali Baqdaadi iyo Hoteelkiisa musuqu hadheeyay, waxaney u arkayeen in Hoteelka iyo Guddoomiyaha Baanku yihiin nabar sumcad xumo oo ku taal Soomaaliland.


ninkan u dhashay wadanka Ghana ee Wode Maya loo baahan yahay inuu raaligelin siiyo saxaafada somaliland isla markaana uu ka noqdo talaabada uuku taageeray masuulka musuq maasuqay hantida shacabka ee uu gacanta ku hayo isla markaana loo haysto dembiyada dilku ku jiro sida uu sheegay Suldaan Dubad.

sababta ugu weyn ee uu Cali Baqdaadi u kaxaystay dalxiisahan u dhashay dalka Ghana ayaa ah inuu ku helo amaanta iyo faanka oo uu jecel yahay.

guryahan musuq maasuqa la xidhiidhiyey Cali Baqdaadi ee uu ka dhistay Hargeysa ayuu siyaasi Cali Curi hore ugu sheegay inay yihiin Booli Qaran.
Loading...
Loading...