FAO oo ka digtay daadad maasheeya Beledweyne iyo Jowhar

0
Sunday May 09, 2021 - 13:45:43 in News by A. Asbaro
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAO oo ka digtay daadad maasheeya Beledweyne iyo Jowhar

    JOWHAR(HWN):-Hay'adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JOWHAR(HWN):-Hay'adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO.....

JOWHAR(HWN):-Hay'adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Soomaliya ku soo wajahan, kaddib roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyay wabiyada Soomaaliya.
Sawiro: Ka jawaab-celinta fatahaada Beledweyne ee Soomaaliya iyada oo la adeegsanaayo doonyo | ICRC da Soomaaliya


FAO ayaa sheegtay in Wabiga Shabeelle uu buux-dhaafay kaddib roobabkii mahiigaanka ahaa ee da'ay todobaadkii la soo dhaafay.

Waxay sidoo kale sheegtay in roobabkii ka da'ay dhulka buuraaleyda ah ee Ethiopia ay daadadkoodu ku soo qul-qulayaan Soomaaliya, kuwaas oo saameyn doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

"Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar. Bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa inay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fiƂayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan" ayaa lagu yiri qeyla-dhaan ka soo baxday FAO.

Inkasta oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kordheen biyaha wabiga Jubba, hadana FAO waxay ay sheegtay in khatarta fatahaadda ay ka jirto degmooyin ay ka midtahay Dooloow.

Loading...
Loading...