"Halkii uu Maxamed Siyaad Barre Ku Gaadhay 20 Sanno, Waxa uu Muuse Biixi Cabdi Ku Gaadhay 2.5 sanno" Md Ismaaciil Aadan Cismaan Madaxda Xisbiga WADDANI

0
Sunday May 09, 2021 - 12:31:39 in News by
  • Visits: 2797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Halkii uu Maxamed Siyaad Barre Ku Gaadhay 20 Sanno, Waxa uu Muuse Biixi Cabdi Ku Gaadhay 2.5 sanno" Md Ismaaciil Aadan Cismaan Madaxda Xisbiga WADDANI

    "Halkii uu Maxamed Siyaad Barre Ku Gaadhay 20 Sanno, Waxa uu Muuse Biixi Cabdi Ku Gaadhay 2.5 sanno" Md Ismaaciil Aadan Cismaan Madaxda Xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Halkii uu Maxamed Siyaad Barre Ku Gaadhay 20 Sanno, Waxa uu Muuse Biixi Cabdi Ku Gaadhay 2.5 sanno" Md Ismaaciil Aadan Cismaan Madaxda Xisbiga WADDANI


Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan Wasiirkii Hore ee arrimaha gudaha Somaliland iyo Yuusuf Keyse Cabdillaahi Xoghayaha Warfaafinta UCID, ayaa ayaamo hore u tegay C.I.D inay arkaan Aadan Xuseen Xaashi oo halkaas laba bilood imaka ku xidhan.
May be an image of 4 people, people standing and text



Ismaaciil ayaa Taliyaha Dembibaadhista ku yidhi "Waan ku ogahay inaad nin fiican tahay. Laakiin shaqada ayaa kellifaysa inaad amar kasta qaadato. Aniguba shaqaale waan soo maray, waanan ku garanayaa oo waanigii madaxda kuu ahaa. Nooga warran xadhigga Aadan Xuseen Xaashi?” kaddibna Taliyaha C.I.D Axmed Cali Cige ayaa ku yidhi "Ismaaciilow keligaa ii kaalay”. In uu gaar ula faqo ayuu rabay.

Aniga oo aan jeclayn in aan soo gudbiyo hadal laba qof dhex maray; taliyuhu waxa uu sheegay wax ka duwan in uu ninkaasi ahaa dhibbane ka cabanaya ciidanka sirdoonka, dacwadna ka furanayay maxkamadda ciidanka, isla markaana ay qafaasheen sirdoonku oo guri ay ku haysteen 5 cisho. Dad kale ayaa la kulmay taliyaha, wadarta hadalkoodana waxa aad mooddaaba in uu yahay maxkamad xukun soo saaraysa.

Markii Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan ka soo laabtay kulanka Taliyaha C.I.D ayaan taleefanka ka wacay, isaga oo cabbiraya guud ahaan heerka tagri-falka awoodeed ee jira waxa uu igu yidhi "Halkii uu Maxamed Siyaad Barre Ku Gaadhay 20 Sanno, Waxa uu Muuse Biixi Cabdi Ku Gaadhay 2.5 sanno. In la maqlo Maslax ayaa waxan sameeyay waxay ahayd markii kacaanku sii dumayay, laakiin imaka isaga oo 2.5 xilka haya Muuse Biixi ayaa la maqlayaa xadhigga ay carruurtiisu ku kacayaan”.

Tebinta iyo tifaf-trika
Siciid Maxamuud Gahayr

Loading...
Loading...