Aqoondaro Waa U Nacab Dad Nool - Waa Madaxda Booliska Wadooyinka Somaliland.
Gaadiidku Wuxuu Ka mid yahay laf dhabarta dhaqaalaha ee wadan kasta inuu si wax soo Saar leh
oo hadday shaqo tahay hadday isgaadhsiin
badeecadeed tahay ,hadday bulsho gaadiid tahay ama (services) bixin
tahay waa waxa nolosha wadan kastaa KU xidhan tahay markaa wada Marid in
la kordhiyo mooyee wadan in la yareeyo oo la cunna qabateeyo wada
maridda KU fikiraa ma jiro. Mar walba oo Shil baabuuro dhacaan
Somaliland gudaheeda Waxaa madaxda police KU isla soo taagaan
shaadhadaha hanjabaad aan wax Soo kordhin (improvement) wax Soo kordhin
mushkiladii udambeeyeen KU jirin iyo cannaan darawalada KU waajahan
intaasina mushkiladda isku dhaca baanuurta xawaaraha KU socota waxba
Kama qaban karto. Madaxda booliisku itaalkooda way dadaalayaan laakiin
waxba kama tari karaan mushkiladda taagan Somaliland ee soo
noqnoqonaysa. Mushkiladda waxaa Ka masuula Xukuumadda oo Madaxweynuhu
know Ka yey. Mushkiladdani waxay u baahan tahay miisaaniyad dawladeed oo
BALLAADHAN oo wadada maridda Somaliland gobol kasta wax Ka qabad KU
samaysa . Ta koobaad ugu yaraan in askar badan loo diro tababar oo
weliba ardayda jaamacada kasoo baxday u badan oo cadaalad lagu Soo
soocay reer walba IYO gobol walba lagu daray . Waa in madaxda booliiska
iyana tabar la SIIYAA, wadooyinka waa in boodhadh iyo calaamado loo
sameeyaa, xawaaraha SOMALILAND gaadhi kasta oo magaalada ama meel la
deggan yey marayaa waa inuu KU SOCDAAN 30km/hour Ka magaalooyinla u Kala
gooshaya waa In engine kasta lagu joojiyaha 70km/hour markuu
cidlooyinka marayo oo wasaaradda gaadiidku gaadhi aanay jeegaray aanuu
wado Marin gaadiidku hawshaa kharashkeeda bixiyaan. Miisaaniyad Xoog leh
bay arintu u baahantay , madaxda booliisku Inay shacabka u hanjabaan
waxaa Ka habboon oo Ka saxsan Inay Madaxweynha iyo Wasiirka Daakhiliga u
hanjabaan WAAYO kuwa shaqadoodii Baal marsani waa iyaga, lacagta
Malaaayiinka ah ee Madaxtooyaa lagu dhisanaya iyo FATOOKHA NOOCAAS AH
WAA IN LA GELIYAA WADA MARIDDA IYO TABABARKA BOOLIISKA IYO CALAAMADAHA
WADOOYINKA.
Manhajka wax barashada Somaliland waa in lagu daraa maadad wadda
MARIDDA oo dugsiyada-dhexe iyo kuwa Sare iyo Jaamacada wadan KU wadan ah
Inay dhigaan. Markaa mujtamaca xagga wada maridda isbedel weyn baa Ka
imandoona si dhaqsa ah. Talada Madaxweynaha KU socotaa waa wasiiraddaada
Tayo xumaa Ka muuqata weliba Saaxiibkaaga Daakhiliga IYO Ka Wasiirka
Gaadiidka oon khibradba Ka muuqanin hadalkiisa IYO waxqabadkiisaba.
MBashe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...