Daraasad Muujisay Halista Daawo Dhirreedka Miisaanka Lagu yarreeyo

0
Sunday May 09, 2021 - 08:29:06 in News by A. Asbaro
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraasad Muujisay Halista Daawo Dhirreedka Miisaanka Lagu yarreeyo

    Daraasad Muujisay Halista Daawo Dhirreedka Miisaanka Lagu yarreeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraasad Muujisay Halista Daawo Dhirreedka Miisaanka Lagu yarreeyo

Hargeisa(HWN):-Daraasad heer caalami ah oo lagu sameeyey dawooyinka dhirta ka sameysan ee miisaanka yareeya ayaa muddo 16 sana kaddib soo jeedisay waxtarka dawooyinkaasi inaan la xaqiijin karin, marka la fiiriyo natiijada daraasadda ka soo baxday.


Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen iney ogaadeen qaar ka mid ah Dawo-dhireedka nafaqada laga helo ay sabab u noqdaan miisaanka qofka inuu yaraado, balse caafimaad ahaan uu qofku dawooyinkaasi ka faa'idin.

Waxayna ku baaqeen in cilmi-baadhis qoto dheer lagu sameeyo dawo-dhireedka miisanka yareeyo si loo ogaado badqabkooda muddada dheer.
Dawo-dhireed miis saaran

Suuqyada caalamka waxaa si aad ugu soo badanaya kala iibsiga Dawo-dhireedka laga sameeyo dhirta ama kheyraadka xoolaha ee loo isticmaalo kaniin ahaan ama dareere.

Sanadkina dawo-dhireedka suuqyada caalamka lagu kala iibsado qiima ahaan waxaa lagu qayaasaa iney ku kacdo lacag dhan $41 balyan oo doolar.

Dawooyinka sanad walba suuqayada caalamka lagu kala iibsadoana waxaa xogtooda la hayaa oo keli ah 20%, si loo ogaado cabashooyinka ama dhaliilaha uga yimaaddaa dadka dawooyinkaasi isticmaalay.

Waddamada qaar shuruudda keli ah ee ay soo saarista dawooyinkaasi ku xiraan ayaa waxay tahay iney dawooyinka-dhirta ay ku jirin dawooyinka caadiga ah ee maaddooyinka kemikaalka ay ku jiraan.

Balse si ka duwan dawooyinka caadiga dawo-dhireedka inta ay suuqa gelin tayadooda iyo badqabdkooda lama xaqiijiyo, ayey tiri Erica Bessel oo ka socotay Jaamacadda Sydney oo kooxda daraasadda sameysay hoggaamineysay.

"Qiimeynta adag ee aan sameynay iyo caddeymaha aan daraasaddayada ku ogaannayba waxay muujinayaan inaan la helin wax nagu dhiirageliyo inaan dadka kula talinno iney dawo-dhireedka miisaanka yareeya isticmaalaan" ayey tiri.

"Inkasta oo dawo-dhireedka intooda badan ay u muuqdaan marka la fiiriyo xalka muddada kooban ay keenayaan, ay dhimidda miisaanka wax ka tarayaan taasina caafimaad ahaan la qabali karo."

Cilmi-baadhayaasha dalka Australia ee daraasadda sameeyey waxay daraasaddaasi ku howlanaayeen ilaa iyo bishi August 2018-kii, iyaga oo muunado kooban ka qaaday dawo-dhireedkaasi qaarkood.

Xogta cilmi-baadhistana waxay ka koobneed 54 daraasadood oo ay ka qayb qaateen 4,331 qof oo cayilan da'dooduna tahay 16 jir iyo wixi ka sareeya.

Caafimaad ahaan qofka oo iska dhimo ugu yaraan 2.5 Kiilo ayaa loo arkaa inuu yahay mid wanaagsan.

Dawo-dhireedka daraasadda lagu soo qaatay ee miisaan dhimidda loo isticmaalo waxaa ka mid ah caleyn shaaha cagaaran, digirta cad iwm.

Waxayna cilmi-baadhayaashu sheegeen waxyaabaha dawo-dhireedka laga sameeya ee ay daraasadda ku sameeyeen iney digirta cad ay ugu natiija wanaagsaneed, balse caafimaad ahaan aan la xaqiijin karin, miisaankana ay yareyn karto ilaa iyo 1.61 kiilo.

Natiijooyinka daraasaddana waa in si taxaddar leh loo macneeya, ayey yirahdeen cilmi-baadhayaasha.

'Xalk degdegga ah'

Qaar ka mid ah nafaqada dheeriga ah ee dawo-dhireedkaasi ku jira oo wax ka baddala qayba ka mid ah dheecannada dhiigga la socda ayaa muujiyey natiijooyin rajo leh balse arrintaasi ayaa lagu tijaabiyey hal tijaabo oo keli ah taasoo u baahan cilmi-baadhis intaa ka qoto dheer oo wax badan lagu ogaanayo waxtartaka ay dawo-dhireedku u leeyihiin dhimidda miisaanka in la sameeyo, ayey yirahdeen cim-baadhayaashu.

"Dawo-dhireedka iyo cunnooyinka dheelli tiran waxay xal degdeg ah u noqdaan dhibaatooyinka cayilka la xiriira, balse dadku waxaa loo baahan yahay iney wax ka ogaadaan aqoonta yar ee dawooyinkaasi loo leeyahay" ayey Bessell.

Waxayna intaa ku dartay daraasad tayadeedu ay aad u sarreyso in lagu sameeyey dawo-dhireedka laga sameeyo waxyaabaha la isku daro, iyada oo xog aad u yarna laga hayo waxtarka muddada fog ee ay leeyihiin.

"Kobaca weyn ee dawooyinkan iyo isticmaalkooda ee sii badanaya waxay muujineysaa in loo baahan yahay in la sameeyo daraasado degdeg si loo helo caddeymo mug leh oo muujinaya waxtarka dawo-dhireedka ay u leeyihiin yareynta miisaanka" ayey tiri.

Natiijooyinka daraasadda ayaa sanadkan lagu soo bandhigay Shirweynaha Yurub ee Cayilka looga hadlayey ee lagu qabtay qaab interneet ah.

Loading...
Loading...