Beyern Munich oo Markii Sagaallaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysatay Horyaalka Jarmalka

0
Sunday May 09, 2021 - 08:20:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beyern Munich oo Markii Sagaallaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysatay Horyaalka Jarmalka

    Beyern Munich oo Markii Sagaallaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysatay Horyaalka Jarmalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beyern Munich oo Markii Sagaallaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysatay Horyaalka Jarmalka



Hargeisa(HWN):- Kooxda Bayern Munich ayaa dabbaaldegtay kadib markii loo caleema saaray markii sagalaad oo Xiriir ah oo ay ku guulaysato horyaalka kubadda cagta ee Jarmalka kadib markii ciyaaryahaan Robert Lewandowski's, uu seddex gool dhaliyay taas oo meesha ka saartay rajadi ay lahayd kooxda Borrusia Monchegladbach.


Saacado ka hor ayaa qaadista koobka la xaqiijiyay kaddib markii Borussia Dortmund ay ka Badisay RB Leipzig oo ku dhaweyd qaadista koobka.
Weraryahanka Bayern Munich's Robert Lewandowski

Goolasha Lewandows Thomas Muller and Kingsley Coman ayaa Siiyay Bayern inay 4-0 qaybta hore ee ciyaarta ku hogaamiso.

Bayern ayaa 10 qof ku ciyaartay kaddib Tanguy Nianzou oo baddal ku yimid horeba laga siiyay kaarka cas.

Leipzig oo ka hor ciyaarta 7dhibcood ka dambeysay kooxda hoggaanka haysay ayaa looga badiyay 3-2.

Weraryahaanka England ka soo jeeda ee Jadon Sancho ayaa goolkii labaad u dhaliyay DortMund kadib markii Marco Reus uu goolkii koowad u horseeday kooxdiisa.

Guusha Dortmund ayaa u horseedday inay hantaan kaalinta afaraad taas oo u horseeday inay u soo baxaan Horyaalka Yurub ee Champions League.
Bishii Abriil, Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday in tababaraha kooxda Leipzig Julian Nagelsmann in uu kooxdooda ku soo biri doono shanta sano ee soo socota marka xilli ciyaaredkan uu dhammaado kadib markii tababarahooda hadda jooga Hansi Flick uu ku dhawaaqay in uu doonayo inuu kooxda isaga tago.

Loading...
Loading...