Cumar Cabdirashiid oo soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

0
Saturday May 08, 2021 - 13:35:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar Cabdirashiid oo soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

    Cumar Cabdirashiid oo soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cumar Cabdirashiid oo soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya



MUQDISHO(HWN):-Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa soo dhaweeyay dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ku baaqay inay tahay lagama maarmaan wanaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.
Cumar Cabdirashiid


"Waa war faxad leh dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya. Waxaan sidoo kale jeclahay inaan soo dhaweeyo dadaallada dhex-dhexaadinta ee Qadar" ayuu Ra'isul Wasaarihii hore ku soo qoray bartiisa Twitterka, wuxuuna sii raaciyay

 "Si loo xoojiyo ganacsigeenna, una gudagalno geeddi-socodka horumarka waxaa lagama maarmaan ah in dib loo soo nooleeyo xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee aan la leenahay adduunka"

Soomaaliya iyo Kenya ayaa safaaradaha kala qaatay dabayaaqada sanadkii hore, kaddib markii Muqdisho ay Nairobi ku eedeysay inay soo faragalisay arrimaheeda gudaha.

Loading...
Loading...