Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Dacwada Badda Ee Kenya Kala Dhaxaysa

0
Saturday May 08, 2021 - 09:02:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Dacwada Badda Ee Kenya Kala Dhaxaysa

    "Waxaan sugeynaa go'aan caddaalad ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan sugeynaa go'aan caddaalad ah"
Muqdisho (HWN) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax shaqo ah isku laheyn kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya oo ay shalay dib usoo celisay.




Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xilka sii-haya ee Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo sidoo kale hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto.


"Muranka badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay twitter.


Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii saacadihii ugu dambeeyey ay soo baxeen warar lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaar oo sheegayey in labad dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar.


Dowladda federaalka ayaa shalay shaacisay inay dib usoo celisay xiriirka Kenya oo go’aanaa ku dhowaad shan bil kadib markii ay labada dal dhex-dhexaadisay Qatar.

Loading...
Loading...