Samaale Siyaasi Samafale Ah Oo Leh Astaamo Kaduwan Siyaasiyiintiisa Dhigiisa Ah .

0
Wednesday March 06, 2019 - 09:39:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samaale Siyaasi Samafale Ah Oo Leh Astaamo Kaduwan Siyaasiyiintiisa Dhigiisa Ah .

    Horseedkii Bulshadiyo Halgamaa guushiyo Samaale waa halyey jira U hibeeya libintoo Ha hilmaamine siiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horseedkii Bulshadiyo Halgamaa guushiyo Samaale waa halyey jira U hibeeya libintoo Ha hilmaamine siiya.

Taniyo sanadkii 1998kii oo ahayd oo ahayd markii iigu horaysay ee aan magaca cabdicasiis Maxamed samaale ay dhagahaygu maqlaan waxaan wax badan ka bartay shakhsiyada dad ladhaqanka Cabdicasiis Maxamed Samaale oo jagooyinka Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Waiikalada iyo wasiirka maaliyada kasoo qabtay qaranka somaliland sidoo kale wakhti Xaadirka kamid ah saraakiisha sare ee xisbiga talada dalka haya ee somaliland .

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sidoo kale waa mutacalim aad bulshadu u jeceshahay Khidbadihiisa oo hore u soo ahaa siyaasada kahor mid kamid culimada aadka loogu jecel yahey Khudbadihiisa misaajidada magaalada hargaysa gaar ahaan xaafada uu kadaganyahey ee Koodbuur.

Cabdicasiis waxa kale oo taniyo intii somaliland xornimadeeda lasoo noqotay waxaa uu kamid Ahaa hantilayda bilawgii shagaashamaadkii ilaa labadii kun aad uga dhex muuqday dhinacyada Shirkadaha biyaha iyo dugsiyada gaar loo leeyahey ee ka yaala magaalada hargaysa.

Waxay ahayd bishii 7aad ee sanadkii 2002dii markii madaxweynihii hore ee jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu aasaasay xisbiga midnimada iyo horumarika somaliland ee kulmiye iyadii isla wakhtigaasi cabdicasiis maxamed samaale uu Kamid ahaa asaasayaasha xisbiga kulmiye ee gadhwadeenka ka ahaa Axmed Siilaanyo.

Cabdicasiis Maxamed Samaale markii uu kasoo dhex muuqday siyaasada somaliland gaar ahaan Xisbiga kulmiye asaaskiisii 2002 waxaa ay bulshada somaliland uu u falanqaysay ku biiritaanka Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale ee siyaasada somaliland iyadoo qaybo kamid ah bulshada Soo dhawaysay kubiiritaanka siyaasada ee samaale halka qaybo kale oo bulshada kamid ahina Ay aad u jeclaayeen in cabdicasiis aanu ku beeris siyaasada iyagoo doorbidayay wacdigii iyo Hogatusaalayntii sheekh cabdicasiis uu ka dhigi jiray masaajidada magaalada hargaysa .

Badhtamihii 2005 ayay ahayd markii bulshada somaliland gaar ahaa gobol maroodijeex ay ka Warheshay u musharaxnimada cabdicasiis maxamed samaale ee doorashada golaha wakiilada Somaliland islamarkaana uu kamdi yahey 20 mudane ee u tartamaayasha inay xisbiga kulmiye Matalaan doorashada golaha wakiilada siiba gobolka maroodijeex.

Laosco qaybaha dambe

Allah Mahad Leh

Axmed Maxamed Shaqalle

Harageysa Somaliland

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...