Runta ma isu sheegnaa Qaybta1aad

0
Friday May 07, 2021 - 09:53:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Runta ma isu sheegnaa Qaybta1aad

    Waxa qoray: Maxamed Ibraahim Xaaji Xirsi (Abyad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qoray: Maxamed Ibraahim Xaaji Xirsi (Abyad)

Soon qaad wanaagsan idilkiin ba, inta qormadaydani gaadho waxa aan idinku bariidinayaa bariidada islaamka (Nabadgelyo korkiinna ha ahaato, barakada iyo naxariista eebbena ha waayina)


Lis Dairy

Afeef

Hore ayaa ay soomaalidu ugu maahmaahday "Aqalkaaga hortiisa oodweyn baa la dhigtaa, hadalkaaga hortiina afeef baa la dhigtaa”


Waxa hubaal ah haddii aad qormo qalin u qaadato xaqiiqo jirtaba ka hadal oo in cid uuni qoonsanayso cid kalena ay la qurux badnaanayso, waxaana ay ku xidhantahay qof iyo garaad kii iyo qof iyo joogtada uu ku suganyahay. Waxa aan aamminsanahay runta haddii aan ka hadlo, caddaalad darrona aan soo hadal qaado, in inta ay sedbursiga iyo eexda ugu badisaa qormadaydu la qalloocnaanayso, inta qaladaadka jira arkaysana ay la qummanaanayso, wax u fiirsiga iyo gudbinta aragtiyaha toganina waa nin iyo garashadii. Ilaahayoow uurkayaga iyo afkayaga is waafaji.


Hordhac

Qormadan oo taxane noqon doonta haddii weynuhu idmo, waxa ku talogalkaygu yahay in aan bulshada aan ka dhashay ee reer Soomaalilaan inta aan dhaaddanayn ugu iftiimiyo waxyaabaha ka qaldan, halka ay wax ka socon la’yihiin. Waxa kale oo waajib ah damiirka iyo diintuna i farayaan in aan cidda talada haysa ee masiirka ummadda saamaynta ku leh aan toosiyo oo aan u gudbiyo dhaliilaha jira iyo waxa qaldan ee aan arkayo, si haddii ay wax ka beddel togan diyaar u yihiin ay nasteexo ugu noqoto farriintaydu, geesta kalena ay ferej ugu noqoto bulshada, haddii kalena ugu yaraan loogu baraarugsanaado in waxyaabahaasi innaga qaldanyihiin. Qudhaydu haddii aan gefo mid qabsoomayaan ahay, haddii aan saxanahay na garowshiyo ayaa aan geyaa.


Inta awooddayda ah waxa aan isku deyayaa in aan qormooyinkan kaga warceliyo weydiimo laga yaabo in dad badan oo kale maankooda ay ka guuxayaan.


"Goonni-isu-taagga Soomaalilaan waxa uu ku yimi go’aan bulsho oo aqlabiyad ah waxaana uu ka dhashay caddaalad-darro iyo gabbood-fal bulshada gobolladan kaga yimi taliskii dawladdii millatariga ahayd ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya” odhaahdan iyo hal-ku-dhigyo kale oo badan ayaa soddon kii sano ee ugu dambeeyey ahaa kaydka iyo dhaxalka ay iska soo gaadhaan jiilalkii dhalanayay muddadaas Soomaalilaan jirtay ba, kuwaas oo siyaasiyiinta iyo haldoorka kale ee Soomaalilaan na ay ka dhigteen hal-ku-dhigyo ay ku fuulaan kuraasta ay u tartamayaan (xataa kuwa aanay uurka ka ahayni) ma xuma waana wax run ah in ummadda reer Soomaalilaan dhibaatooyin badan ay ka soo gaadheen taliskii xukuumaddii millatariga ahayd sidaasna ay ku timi in burbur dhaco oo la kala tashado. Kii sallaan ka dhiganaya iyo kii ay uurka ka tahayba waa taariikh oo iyada ayaa is qorta, waxa se lagama-maarmaan ah in jawaabo loo helo weydiimaha arrimahan ku gedaaman ee ay ka mid kayihiin:-


§ Dastuurkii iyo xeerarkii ay qorteen dadka reer Soomaalilaan, ma lagu dhaqaa oo ma loo simanyahay, dadku se ma u hoggaansamaan?


§ Caddaalad darrada ay Soomaalilaan ka go’day ee ay ka miciin bidday goonni-isu-taagga iyo ta hadda gudaheeda ka jirta iyama ayaa badan, muwaadinku se intee ayaa uu ka helaa xuquuqda qaanuunku dammaanad qaaday?


§ Hannaanka xulashada qofafka iyo goleyaasha bulshada ku metelaya siyaasadda iyo adeegyada kale ee arrimaha bulshadu ma waafaqsanyihiin xeerarka aynu dhigannay, qaabka ay ku yimaaddaan se ma yahay mid caddaalad ku dhisan?


§ Horjoogeyaasha siyaasadda ee Soomaalilaan daacad ma ka yihiin goonni-isu-taagga?


§ Dawladnimada Soomaalilaan ma tahay mid bisil oo u qalanta in dal loo aqoonsado, taas oo mustaqbal ka cago adag isku taagi karta, mise waa mashruuc had ba shakhsiyaad kooban iyo koox lagu xooleeyo, taas oo hadhow noqon karta qosol-ku-jab aan sii waari doonin xaqiiqada kaddib?


§ Shaqooyinka dawladda ma u simanyihiin dadku, nidaamka la isku shaqaalaysiiyaa se ma waafaqsanyahay caddaaladda iyo dastuurka?


§ Maxaa laga fili karaa mutaqbalka amma aayaha dambe ee Soomaalilaan, dhinacyada; siyaasadda, koboca dhaqan-dhaqaale ee bulshada iyo guud ahaan jiritaanka iyo goonni-isu-taagga, sannadaha soo socda?


Weydiimahan ayaa aan isku deyi doonaa in aan kaga war-celiyo qormadan, aniga oo aad isugu taxalujinaya in aan aragtidayda ku ladho caddaymo dheeraad ah. Qormadaydu waxa ay noqon doonta mid aanan ku sheegin oo keli ah dhaliisha dadka xilka haya, waxa aan se isku deyi doonaa in aan xuso dhaliisha bulshada iyo ta laamaha dawladda labadaba, waayo shaqsiyaadka madaxda ka ah hay’adaha dawladda iyo goleyaashuba waxa ay ka yimaaddeen bulshada sidaas darteed mauuliyadda qaladaadka jira kuma moosi karo dawladda oo qudha e waxa kale oo aan sheegi doonaa shacabkii dawladda dhistay waxa ay iyaguna qaladka ku leeyihiin.


Dastuurkii iyo xeerarkii ay qorteen dadka reer Soomaalilaan, ma lagu dhaqaa oo ma loo simanyahay, dadku se ma u hoggaansamaan?


Sababo badan dartood waxa cad in aan bulshada ku dhaqan Soomaalilaan lagu dhaqin xeerarkii iyo qaanuunkii ay u codeeyeen 31kii bishii 5aad sannaddii 2001, waxaana uu dastuurku u hiiliyaa oo keli ah; ka awoodda leh, ka lacagta leh iyo ka cid ku tiirsan. Fulinta oo ah xukuumadda, xeer dejinta oo ah baarlamaanka iyo garsoorka oo ah maxkamadaha intuba waxa ay dulmaan miskiinka waxaana ay garab siiyaan cidda hadba dano ka dhexeeyaan amma muraaddo gaar ahi ka fulayaan. Bulshada ayaa qaladka qaybteeda leh oo laaluush ku bixiya wax kasta oo ku adkaada, iyada oo qof kasta oo ay hawli ka gasho laan dawladeed uu raadiyo cid halkaas ka hawlgasha oo amma uu garanayo amma ay qaraabo yihiin, waa dhaqan kale oo bulshadu dhexdeeda isku dulmido, waayo ka aan cidna ka garanayn hay’addaas iyo kan adeegsanaya qaraabo-kiil ku sharciga umma sinna. Marar badan oo kale ayaa nidaamka beeluhu saameeyaa oo uu caqabad ku noqdaa garsoorka. Dembi maxkamaduhu go’aan sharci ah ka gaadhi lahaayeen ayaana xeer-jajab iyo maslaxad beeleed lagu dhammeeyaa.


Waxa mar walba la arkaa masuul cid iska xidha isaga oo aan warqad ka sidan cidda ay qusayso, bilays shacab ula dhaqmaya nidaam aan waafaqsanayn xeerka, tacaddiyo kale oo cid lagula kacayo iyo dacwado soo gaadha laamaha amniga iyaguna ay uga gar sooraan qaab aan u dhawayn sharciga dalka u yaalla.


Xukuumadda ayaa xabsiyada ku gurta ciddii fikirkeeda si nabad ah u gudbisa waxaana fudud in lagugu eedeeyo dembi aanad lahayn misana lagugu xukumo.


Goleyaasha xeerdejinta ee dadka metela ayaa marar badan meel mariya xeerar iyo qodobbo aan bulshada soo dooratay waxba uga dan ahayn, waxaana ay noqdeen ashkhaas aan cid na dan ka lahayn ee fiirsada muraaddooda gaar ka ah, waxa laga yaabaa in arrin dhan oo masiiri ah bulshadana saamayn weyn ku yeelanaysa ay u meel mariyaan lacag loo qaybiyay darteed.


Shaqooyinka dawladda ma u simanyihiin dadku, nidaamka la isku shaqaalaysiiyaa se ma waafaqsanyahay caddaaladda?


Marar badan waxa aynu aragtiyaha iyo cabashooyinka dadka qaar soo gudbiyaan ku aragnaa iyaga oo ku doodaya "Madaxweynaha, taliyaha ciidammada, guddoomiyaha maxkamadda sare, wasiirka maaliyadda iyo boosas kale oo siyaasi ah ba waxa ku fadhiya qoys qudha” taas na anigu aragti ahaan uma arko wax sidaa u weyn, boos qof siyaasi ahi ku fadhiyaana macno buuran yeelan maayo haddii mid reerkayaga ahi ku fadhiisto iyo haddii mid qolo kale ahi ku fadhiisto waa haddii bulshada caddaalad loogu shaqaynayo, waxa se aan cabashadaas taageerayaa oo ay dhaliil noqonaysaa marka inta qof ee halkaas fadhiyaaba ay awoodda ugu adeegaan reerahooda, saaxiibbadood iyo danahooda gaarka ah.


Marka aan ku xisaabtamo qof aanu isku reer nahay oo meel la geeyey, in uu i shaqo geeyana aan ka naawilo ee aan aqoontayda iyo kartidayda qofnimo ku kalsoonaan waayana waa dhaqan xun oo kale oo bulsho ahaan inna biyo dhigay ee aanay qofafkaas siyaasiyiinta ahi keligood eedda ku lahayn. Haddii adeerkaa/eddadaa amma mid haybtaada ah iyo mid aad is garanaysaan nasiibku siiyo boos haayad dawladeed amma meel muhiim ah rejadaada intaas ku xidhan waxa aad garab dhigtaa rejada miskiin kale oo wax bartay, kaa aqoon iyo kartiba badan oo aan isagu fursaddaas haysanin cid uu garanayo iyo cid meel u joogtaana jirin.


Nidaamka Soomaalilaan la isku shaqaalaysiiyaa waxa uu u badanyahay kaas aynu korka-xaadiska ku samaynnay. Waxa aad arkaysaa qof shaqaale dawladeed ah oo haddana haya shaqooyin kale oo badan oo ay ka mid yihiin goobo gaar loo leeyahay iyo laamo kale oo dawladeed, iyada oo ay jiraan malaayiin jaamacado dhammeeyey iyo xirfadleyaal aan hal shaqo haysan, taas oo aan gebi ahaan ba waafaqsanayn xeerka shaqaalaha dawladda Soomaalilaan oo qodobkiisa 2aad xarafkiisa (t) uu odhanayo (qofka shaqaalaha ahi waa in aanu gelin heshiis shaqaalayn kale, haddii mararka qaar aanu ahayn qof farsamadiisa/aqoontiisa loo baahday oo ogolaansho uga haysta Wasiirka Wasaaradda ama Madaxda Hay'adda ee qabashada hawshu khuseyso)


Sidoo kale qodobka 8aad ee isla xeerka shaqaalaha dawladda ee Soomaalilaan waxa uu odhanayaa (Shaqaalayntu waxa ay u furan tahay oo keliya muwaadiniinta da'doodu ay tahay ugu yaraan 18 sanno, miyir-qaba, dhaqan wanaagsana leh haystana shahaadooyinka waxbarasho ee soo socda: a) Qaybta "A" shahaado jaamacadeed ama wax u dhigma. b) Qaybta "B" Shahaado dugsi sare ama wax u dhigma. c) Qaybta "C" Shahaado dugsi dhexe ama wax u dhigma. d) Qaybta "D" Shahaado dugsi hoose ama wax u dhigma)


Kaas oo aan isna lagu dhaqmin ee shaqaalaha maalin walba lagu qoro nidaamyada kale ee eexda,qaraabo-kiilka, iyo weji-garashada aan loo aabbo yeelin.


Marka laga yimaaddo boosaska siyaasiga ah iyo qofafka madaxweynuhu u xusho in ay noqdaan hoggaamiyeyaasha jagooyinka u sarreeya wasaaradaha iyo haayadaha dawladda, waxa jira shaqaale tiro badan oo ka hawlgala haayadahaas kuwaas oo ka soo bilaabmaya jaranjarrada agaasime-waaxeedyada wasiirku xulo, madax-qaybeedyada ilaa shaqaale hoosaadka shaqooyinka joogtada ah u qabta wasaaradahaas iyo haayadahaas dawladda, dhammaantood waxa ay ku yimaaddaan qaababkaas aynu soo sheegnay ee is-garabsiga, xigtonimada iyo qaraabo-kiilka ah.


Shaqaalaha inta ugu badan waxa qora madaxa ugu sarreeya haayaddaas, agaasimaha guud iyo guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda, dhammaantood waxa ay keenaan dad ay garanayaan iyo kuwo ay xigto yihiin kuwaas oo ku sii shaqeeya qaabka shaqaalaha aan joogtada ahayn, intaas ayaana marka ay xilligeeda gaadho rasmi laga dhigaa iyada oo aan imtixaan laga qaadin marar koobanna laga qaabo wax imtixaan loo ekaysiiyey balse aan dhab ahayn, muhiimaddu waa in system ka la waafajiyo cid dhacda iyo cid aqoonteeda ku soo baxdaa se aanay jirin ee intii awalba habkaas ku timi ee la qoray uun lasoo dhejiyo iyaga oo la leeyahay waa ay baaseen.


Waxa aan isku deyayaa si fahamka umuurtan aynu ugu sii dhawaanno in aan tusaaleyaal nool soo qaato oo aan idinku xasuusiyo qaabka dheelliga xaqdarrada ah iyo sed-bursi gu uga jiraan shaqaalaha qaar ka mid ah wasaaradaha iyo haayadaha dawladda Soomaalilaan.


1. Wasaaradda warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka

Wasaaradda warfaafintu waa mid ka mid ah haayadaha dawladda waxaana ay ka koobantahay qaab-dhismeed 12 waaxood ah, qaybaha ay usii kala baxaan waaxahaasina tiro ma laha marka la isku daro. Waxa ay leedahay in ka badan 800 oo shaqaale ah oo u badan dadka ku dhaqan caasimadda, haddana waxa hawl gala in yar oo kooban oo soo xaadira shaqooyinka maalinlaha ah.


Saamiga shaqaalaha ee dadka reer Soomaalilaan ee wasaaraddani waxa uu u badanyahay shaqaalaha beesha madaxweyne Biixi, oo qiyaas boqolley dhan 70, ka ah wasaaradda warfaafinta. Halka 12 ka agaasime-waaxeed ee wasaaraddana ay beelaha Soomaalilaan wada degaa u kala heleen sidan:


1. Agaasimaha waaxda Telefishanka = Habar Awal

2. Agaasimaha waaxda Qorshaynta = Habar Awal

3. Agaasimaha waaxda Farsamada = Habar Awal

4. Agaasimaha waaxda Wargeyska Dawan = Habar Awal

5. Agaasimaha waaxda ICT ga = Habar Awal

6. Agaasimaha waaxda Idaacadaha = Garxajis

7. Agaasimaha waaxda Wada-xidhiidhka = Habarjeclo

8. Agaasimaha waaxda Wacyigelinta = Ayuub

9. Agaasimaha waaxda Wakaaladda Wararka SOLNA = Arab

10. Agaasimaha waaxda Shaqaalaha = Harti

11. Agasimaha waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka = Gudabiirsi

12. Agaasimaha waaxda Dhaqanka = Madhibaan

Waxa hubaal ah in ku xigeennada iyo madax-qaybeedyadu aanay tiro lahayn.


Halkaa waxa aad ka arkaysaa in qoys keli ahi maamulka shaqaalaha ee wasaaraddaas ku leeyihiin 50 boqolkii ba, halka boqolkiiba 50 ka kalena ay qori qori uga heleen beelaha Soomaalilaan deggan oo dhammi cid kasta oo ay yihiin, shaqaale-hoosaadkana hadalkooda daa.


Haddii ay dadka kale ee reer Soomaalilaan qoyskaasi ka aqoon badanyihiin oo la xaqiijiyo xaal ayaa aan ka bixinayaa qormadayda. Waxa aan uga jeedaa xogtan aan soo gudbinayo ee wasaaradaha iyo haayadaha dawladda ee ku saabsan saamiga beelaha, maadaama aynu nahay ummad ka kooban reero dawlad dhistay oo wax isku darsaday waxa xaq ah reeraha Soomaalilaan wada leh oo dhammi ay xaq isku mid ah u yeeshaan shaqaalaha dawladda iyo haayadaha xukuumadda, haddii lagu dhaqmayo dastuurka iyo wax wada lahaanshaha ummaddan, caddaalad na loo helo. Waxa muhiim ah in laba midkood uun ay noqoto; in hannaan caddaalad ah shaqaalaha lagu qoro imtixaan laga qaado inta aqoontoodu soo saartana loo dhiibo meel walba xitaa haddii ay isku beel yihiin, shaqadana lagula xisaabtamo iyo in inta xaalkeennu yahay sidan aqoon la isku xulanayaana aanay jirin reeruhu u sinnaadaan oo la iska wada dhex arko, labadaas waxa u dhexeeya ee wanaaggu ku jiro idinku sheega.


Allah caddaaladda ha innagu sugo.

La soco qaybaha dambe iyo wasaarado iyo haayado kale.


Maxamed Ibraahim Xaaji Xirsi (Abyad)

Contact email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...