Hargeisa Magaalo Maamul Wayday

0
Friday May 07, 2021 - 09:45:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa Magaalo Maamul Wayday

    Dhammaan mudanayaal iyo Marwooyin (ASC)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan mudanayaal iyo Marwooyin (ASC)

Waxaan jecelaaday in aan idinla wadaago dareen aad u daran oo aan ka arkay magaalo Madaxdeene.


Waxaan hadda ku suganahay Magaalada Hargeysa oo aan joogaa muddo ku dhaw 2 bilood, waxaan arkay magaalo aad mooddo in aan maamul kajirin haba yaraatee, mudadaas labada bilood ah ma arag oo indhahaygu maqaban meel qudha oo shaqo magaalada ku saabsani ay ka socoto, haddii aan beenta iska dhawro dhawr beebka biyaha oo laba meelood loo qodayo, waxaan filayaa in beebkaasi la xidhiidho biyo galinta Hargeysa ee hadda socota 10ka sanadood dad waynuhuna candhuuftooda ay dib uga liqeen oo rajada ay ka qabaan aad u liidato.



Dhinaca dadwaynuhu way ku amaanan yihiin waxa ay qabsadeen iyo waxay qabanayaanba oo waxaan odhan karaa canaan malaha, waxaa Meesha ka maqan gebe aahaanba kaalintii dawladda mid dhexe iyo mid hoosaba. Waxaan arkay roobka ka hor magaalada oo meel walba god taayirka baabuurka dherer leegi ka qodmay oo marnaba aanad ku fikiri Karin magaalo dhexdeed iyo waddo ayaad maraysaa, ama adeegan cid ka mas’uul ah ayaaba jirta.


Wadooyinkeena inta yar ee jirta waa la sameeyaa ka bacdina faraha ayaa laga qaadaa, wax la yidhaah dayac-tir (maintenance) waxaan filayaa madaxda adeegu aqoon iska daayoo waxaad moodaa in aanay maqalba ilayn way samayn lahaayeene.


Dayac-tirku waxaa ka dhigan yahay inaad " guriga dilaaca ka samayso iyo in aad sugto inta uu ka

wada dumayo oo ka dibna aad mar labaad wada dhisto Roobkii markii uu da’ay oo ah wax aynu in badan Alleh aan ka baryaynay qof waliba waa arkay waxaa dhacay, weli waa illaahay mahaddiis haddii aan nafo badani ku qudh bixin. Waxaad arkaysaa waddo aad u jeeddo oo daqiiqad walba badh sii ruqayo (go’ayo) oo aan ahayn meel iyo laba toona ee dhammaan ku baahsan Hargeysa

wayn.


Labadii biriij ee midna dawladihii hore dhiseen ka kalana la ogaa sidii lagu dhisay, labadaba si joogto ah ayaan u maraa, mid walba marka aan dulmarayo waxaa igu soo dhacda tolaw nabad qab maad kaga gudbi? Waayo labadooduba waxay ka mid yihiin wadooyinka daqiiqad walba ay ini sii go’ayso.


Haddii aan wax laga qabanna waa bam la buuxiyay oo qarax sugaya Dawladda iyo maamulada jiraa ma ka basbaa sidani mise wax kale ayaa Meesha ku jira? Lama odhan karo dhaqaalo xumo ayaa sidan dhigtay, lama odhan karo aqoon la’aan ayaa halkaas magaalada  dhigtay, baabuur kasta dhawr lacagood ayaa lagaadaa, Hargeysa wayn ayaan daro ayaa ku dhacday, Somaliland Aqoonsi raadis iyo is- iibin ayay 30 sano waddaa, laakiin xaaladdan ay ku jirtaa maaha mid ka iibsamaysa iyo mid u dhaw toona.


Dawladda hoose ee Hargeysana waxaan leeyahay ehel iyo mid u dhaw toona ma tihidin in aad maamushaan magaaladan dadka <1000,000 ka badani ku nool yihiin, waad ku hafateen (total failure) ayaa idinku dhacay Ilaahay qaar idin dhaama haydinku bedelo, waxaanaan filayaa inaydaan waxba iska xistiyayn ee ay bes idinka tahay.


Hargeisa needs for a functioning & honest Brains

Dr Omar Noor, [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...