Gantaal Shiinaha Ka Baxsaday Oo Dhulka Ku Soo Wajahan Iyo Cabsida Laga Qabo

0
Friday May 07, 2021 - 09:25:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gantaal Shiinaha Ka Baxsaday Oo Dhulka Ku Soo Wajahan Iyo Cabsida Laga Qabo

    "Lama xaqiijin karo meesha uu dhulka kaga dhici doonta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Lama xaqiijin karo meesha uu dhulka kaga dhici doonta"

Gantaalkii weynaa ee Shiinaha ee faraha ka baxay ayaa la filayaa inuu dhammaacka isbuucan ku soo dhaco dhulka, wuxuuna toddobaadkan sababay cabsi wayn.



Hay'adda Cirbixiyennada Mareykanka ayaa isku deyeysa in ay ka hortagto halista uu geysan karo, balse lama oga halka uu ku wajahan yahay.


Sida ay qortay wakaaladda warar ee Reuters, Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, wuxuu sheegay in aysan jirin qorsheyaal ah in hawada sare lagu burburiyo gantaalka Shiinaha ee la filayo in Sabtida uu dunida ku soo dhaco.


Gantaalka oo qalab u siday Seddax Cirbixiyee oo Shiinaha u dhashay kuwaas oo sugan hawada sare, wuxuu 29-kii April ka kacay Jasiiradda Hainan. Qalabka uu sido waxaa lagu dhammeystiri lahaa Saldhigga Shiinaha ee hawada sare.


Austin wuxuu sheegay in ay filayaan in gantalka uu ku dhici doono badda, Sabtida ama Axadda. Balse Wargeyska Global Times, oo ku hadla afka dowladda Shiinaha, wuxuu sheegay in "gantaalka la xakameyn waayay", wuxuuna beeniyay in uu dhibaato geysan karo. "Taa waa dacaaydda reer Galbeedka", ayaa ku xusan wargeyska.


Gantaalada hawada sare ku burbura, dhawr jeer oo hore, ee dhulka ku soo dhacay, waxaa ka mid ah mid sannadkii la soo dhaafay burburay.


Hase yeeshee, dhacdadaan waxay sababtay su'aalo cusub oo ku saabsan gantaalkan ay dunida aadka u hadal hayso. Wax ka ogow arrimaha la xiriira gantaalkaas.


Goormaa la filayaa in gantaalka Shiinaha uu dhulka soo gaaro?

Gantaalka dheereeya ee Shiinaha ee 5B ayaa la filayaa in hawada dhulka uu soo gaaro qiyaastii 8 May, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray afhayeen u hadlay Waaxda Difaaca, Mike Howard, kaasi oo sheegay in Maamulka Hawada Sare ee Mareykanka ay daba sodaan gantaalka habaabay.


"Lama xaqiijin karo meesha uu dhulka kaga dhici doonta, ilaa laga gaaro saacadaha ugu dambeeya, sabatoo ah xawaaraha uu ku socdo gantaalka ayaa aad u sarreeya," ayuu yiri Haward, balse waxaa la soo saari doonaa macluumaad maalinle ah oo la xiriirta halka uu soo marayo gantaalka.


Maxaa dhacaya Haddii Gantaalka uu dhulka soo gaaro?

Gantaalka oo dherirkiisu yahay 30 mitir ayaa haatan dunida ku dul wareegaya, 90 daqiiqo kasta, xawaarahaas oo aad u sarreeya, sababayna inay khubarada cirbixiyeenaha ku adkaato in ay shaaciyaan halka saxda ah ee uu ku dhacayo.


Waxaa la sheegayaa in waxyaabaha xaaladda sii adkeynaya ee ay dunida ka walaacsantahay ay yihiin in Shiinuhu uusan dunida inteeda kale la wadaagin macluumaad ku filan oo la xiriira gantaalkaas.


Haddii gantaalka uu ku soo dhaco dhulka, gaar ahaana goob ay dad ku nool-yihiin, natiijada waxay noqonaysaa, sida diyaarad yar oo soo dhacaday oo weliba hawada ku soo burburtay, waxaa sidaasi sheegay Jonathan McDowell oo ka hawl gala xarunta Jaamcadda Harvard, oo la hadlay warbaahinta qaar.


"Nasiib wanaag sidaa darteed khasaaraha dadka, dhismooyinka ama deegaanka soo gaaraya aad buu u yaraan doonaa."


Boqolkiiba 75% adduunka waa biyo, waxaa intaa dheer in goobo badan oo ka mid ah dhulka aanan la daganayn, sidaa darteed khatarta dadka ka soo gaareyso aad ayay u yartahay gantaalka.


Gantaalladii horay dhulka ugu soo dhacay


Gantaal 18 tan ah ayaa bishii May ee sannadkii la soo dhaafay soo dhacay kaasi oo lagu sheegay inuu ahaa gantaalkii ugu cuslaa, tan iyo gantaalkii ka soo lumay hawadii sare ee Midowga Sufiyeeti ee 1991.


2016-kii, gantalkii loogu talagalay xaruntii hawada sare ee ugu horreysay ee Shiinaha, wuxuu ku burburay oo uu ku dhacay badda Pacific-ga, ka dib markii xukuumadda Beijing ay xaqiijisay in ay lumiyeen xakameynta gantaalka.


Bishii Maarso gantaal lagu magacaabo Falcon-9 oo uu Mareykanka hawada u diray ayaa ku soo dhacay dhulka, gaar ahaan Washington iyo xeebta Oregon.


BBC

Loading...
Loading...